Xildhibaan ka tirsan sharcijinta Kenya oo feeray mudane kale oo la xiray

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Xildhinaanka bariga Wajeer ee Rashiid Qaasim ayaa la xiray saacado kadib markii uu u gacan-qaadey Wakiilka Haweenka Ismaamul Goboleedkaas, Faadumo Geedi, sidda ay warameyso warbaahinta.

Wakiilka Haweenka Wajeer, Faadum Geedi ayaa waxaa lagu waramayaa in lagu dhex-feeray gudaha xarunta baarlamaanka waddanka Kenya, subaxnimadii Khamiista maanta ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Geedi iyo Qaasim ay is-dhaafsadeen erayo kulul mudadii uu socday kulanka kahor inta uusan gacan ka hadalka bilaaban mudanaha bariga Wajeer laga soo doorto.

Sidda laga soo xigtay wargeyska The Star, Xildhibaanka ayaa dalbaday in uu ogaado sababta Geedi, oo kamid ah Guddiga Miisaaniyadda, aysan wax lacag ah ugu qoodaynin degaankiisa.

Geedi ayaa ku tacadowday in iyadda oo ay wehliso Xildhibaanad kale ay la kulmeen Sharcidejiyaha reer Wajeer.

"Isaga waxa uu igu tilmaamay nacas iyo wax ma tarto kadibna waa uu u feeray. Waan la yaabay, waan rumeysan waayey. Mar kale ayuu ii yimid wuu igu dhuftay," ayay tiri, sida ay kasoo xigatay saxaafadda.

Waxay intaasi raacisay: "Waxaan u sheegey in Gobolka Wajeer kaliya loo qoondeeyay Ksh 100 milyan iyo in lacagaha kale aan u qorsheynay gobolada kale ee mudnaanta u leh sida biyaha iyo waddooyinka, laakiin waxa uu ii sheegay inay tahay taasi tahay wax micno lahayn".

Geesta kale, Xildhibaanada kale ee la socotay Faadumo oo laga soo doorto gobolka Home Bay ayaa waxay sheegtay in ay goobjoog ka ahayd shilka, iyadda oo ku doodey in ay kusii jeedeen waax ka tirsan baarlamaanka.

"Waxay bilaabeen in ay Soomaali kuwada hadlaan kaliya waxaan u taagnaa in aan sugo Geedi. Daqiiqo kadib wadasheekeysiga waxaan kaliya arkay isaga oo feeraya daanka, way ilmeynaysay wayna dhiig-baxeysay. Ma garan waxay dhaliyey taasi," ayay daba dhigtay hadalkeeda.

Gladys Wanga ayaa waxay intaasi ku dartay: "Aad ayaan ula yaabey in saaxiib uu weerari karo haweenay ka tirsan xubnaha.

Geedi ayaa tegtay Isbitaalka Karen, halkaas oo baxbaano caafimaad loogu soo sameeyay kahor inta aysan dib ugu laaban howl-maalmeedkeeda.

Xildhibaanadan ku lug-yeeshay dhacdadan ayaa metala bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, halkaasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga hadalhayo arrintaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM