Xildhibaan shaashadaha kasoo muuqday isagoo feeraya wariye

Image

NAIROBI, Kenya - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayay kaamirooyinka soo qabteen Talaadadii isaga oo garaacaya suxufi.

Mudane Elisha Odhiambo ayaa ku eedeeyey wariye Morris Otieno inuu sumcad dil ku sameeyay shaqsiyadiisa.

Muuqaalka oo socday 41 il-biriqsi kaasoo qabsaday baraha bulshadda ayaa muujinaya suxufiga oo dib usii caraya iyo Xildhibaanka oo feeraya.

Otieno ayaa la sheegay in uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay in Xildhibaanada ay su'aallo waydiiyeen Guddiga Anshaxa iyo la dagaalanka musuqa.

"Isla markii aan qoraalkaasi baahiyey waxaa isoo gaarey wicitaano badan, balse ma aanan ka qaban," ayuu yiri wariyaha.

Kiisaska musuq-maasuqa ayaa waxay ka yihiin gudaha waddanka Kenya mid caadi ah, iyadda oo saxaafadii si qoto dheer uga warantana la beegsado.

"Markii aan ka qaban waayey, fariin qoraal ayaan u diray, kadibna wuxuu yimid goobtii aan joogay," ayuu daba dhigay.

Ururada suxufiyiinta Kenya ayaa cambaareeyay falkan, iyaga oo ku tilmaamay mid kasoo horjeeda xuquuqda xorriyadda hadalka.

Sharcidejiye Elisha Odhiambo ayaa laga soo doortaa magaaladda dekadda leh Kisumu, halkaasoo ay ku xoogan yihiin Isbaheysiga Mucaaradka ah ee uu hogaamiyo Raila Odinga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM