Xildhibaanada haweenka Kenya oo ka dhiidhiyay jirdkii Faadumo Geedi

Image

NAIROBI, Kenya – Mudaneyaasha dumarka ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa ka mudaaharaadey gacan-qaadkii lagula kacay wakiilka haweenka Wajeer, Faadumo Geedii, subaxnimadii Khamiista.

Xildhibaanadda ayaa waxaa dhismaha xeer-dejinta ku dhex-feeray sharcidejiyaha bariga Wajeer laga soo doorto ee Axmed Rashiid Qaasim kadib markii dood kulul ay ku dhex-martay fadhiga baarlamaanka.

Sidda ay ku warameyso saxaafadda maxaliga ah, doodooda ayaa ku saabsaneyd sababta ay Faadumo wax lacag ah aysan ugu qoondeyn degaanka uu kasoo jeedo Qaasim.

Markii uu xadgudubka dhanka jirka ah uu sameynayey Qaasim waxaa goobjoog ka ahayd Gladys Wanga oo laga soo doorto gobolka Homa Bay, taasi oo falkaan si kulul u cambaareysay xili ay ka fal-celisay.

Wakiilada shacabka gaar ahaan haweenka ayaa isaga baxay kulankii Khamiista daqiiqo kahor inta aanan la guda gelin akhrinta ajendaha kulanka oo ahaa Miisaaniyadda dowlad goboleedyadda.

Qaasim oo dacwad isla markiiba laga gudbiyey ayaa lagu xiray saldhiga Booliska ee gudaha dhismaha baarlamaanka waxaana la filayaa in maxkamad lasoo taago Isniinta soo aadan, sida la sheegayo.

Dhacdadaasi ayaa noqotay tan ugu hadalheynta badan gudaha Kenya gaar ahaan bulshadda Soomaalida kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga fal-celiyey waxayna ka bixiyeen aragtiyo kala gedisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM