Xildhibaanada haweenka Kenya oo ka dhiidhiyay jirdkii Faadumo Geedi

Image

NAIROBI, Kenya – Mudaneyaasha dumarka ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa ka mudaaharaadey gacan-qaadkii lagula kacay wakiilka haweenka Wajeer, Faadumo Geedii, subaxnimadii Khamiista.

Xildhibaanadda ayaa waxaa dhismaha xeer-dejinta ku dhex-feeray sharcidejiyaha bariga Wajeer laga soo doorto ee Axmed Rashiid Qaasim kadib markii dood kulul ay ku dhex-martay fadhiga baarlamaanka.

Sidda ay ku warameyso saxaafadda maxaliga ah, doodooda ayaa ku saabsaneyd sababta ay Faadumo wax lacag ah aysan ugu qoondeyn degaanka uu kasoo jeedo Qaasim.

Markii uu xadgudubka dhanka jirka ah uu sameynayey Qaasim waxaa goobjoog ka ahayd Gladys Wanga oo laga soo doorto gobolka Homa Bay, taasi oo falkaan si kulul u cambaareysay xili ay ka fal-celisay.

Wakiilada shacabka gaar ahaan haweenka ayaa isaga baxay kulankii Khamiista daqiiqo kahor inta aanan la guda gelin akhrinta ajendaha kulanka oo ahaa Miisaaniyadda dowlad goboleedyadda.

Qaasim oo dacwad isla markiiba laga gudbiyey ayaa lagu xiray saldhiga Booliska ee gudaha dhismaha baarlamaanka waxaana la filayaa in maxkamad lasoo taago Isniinta soo aadan, sida la sheegayo.

Dhacdadaasi ayaa noqotay tan ugu hadalheynta badan gudaha Kenya gaar ahaan bulshadda Soomaalida kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga fal-celiyey waxayna ka bixiyeen aragtiyo kala gedisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM