Xildhibaanadii sidda qarsoodi ahaa ku tegay Muqdisho oo loo digay

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa lagu waramay in ay digniin hawada u marisay Xildhibaanadii sidda qarsoodiga ahaa ku yimid magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Mudaneyaasha oo wadar ahaan gaarayey 11 ayaa Sabtidii ka degay caasimadda Soomaaliya lana kulmay madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale.

Mureithi Mwangi, xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa u sheegay xubnahaas "in aysan mar kale ku dhaqaaqin falkaas".

Isagoo u waramay saxaafadda, wuxuu tilmaamay in sharci-dejiyeyaasha looga baahan yahay in ay qaataan fasax kahor inta aysan duulin.

"Arrimaha ka taagan waqooyi barri ma ahan mid aan lala tacaali karin, qof walba oo doonaya in uu si bilaash ah gacan kaga geysto xaaladaas waxaa waajib ah in uu u maro qaab loo ogol-yahay," ayuu xusay.

Xukuumadda ayuu tilmaamay in ay "ka walaacday" safarka xubnaha "maxaa yeelay in aysan ogolaanshiyo ka qaadan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo in aysan marin nidaamka saxda ah".

"Sidaasi awgeed, waa in aysan arrintaas oo kale mar kale soo laaban ogolaanshiyo la'aan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Xildhibaanada oo ay casuuntay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale. Markii ay ku laabteen Nairobi, daqiiqado ayaa la xiray, wallow lasii daayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM