Xildhibaano Gawaari loogu Iibiyey $16 Million[Waa Dalkee?]

Image

Koonfurta Suudaan 400 boqol xildhibaan oo dalkaas Barlamankiisa fadhida ayaa waxay dowlada wadankaas ka heleen midkiiba $40,000 dollar, uu mid walba ku iibsado gaari, taasoo sababtey carro ka timi shacab.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha dalkaas ayaa difaacey $16m ay dowladu ku kharash gareyneyso iibinta gawaaridaas, isagoo sheegey in xildhibaanadu mootooyin isticmaalen.

Dadka siyaasad ahaan Dura dowladaas ayaa sheegey in xildhibaanadaan la siiyey kadib markii labo asbuuc ka hor xilka Madaxweynaha dalkaas u kordhiyeen tan iyo sanadka 2021.

Dowlada ayaa sheegtey in aan doorasho la qaban karin madaama dalku ku jiro dagaalo sokeeye.

Kalabar dadka ku nool dalka Koonfur Suudaan ayaa lagala tacaalayaa macaluul- Cunta la'aanta ka jirta dalkaas ayaa inta badan waxay dhacdey markii dagaalka sokeeye ka qarxey wadankaas 2013 kadib markii dagaal ka dhex-qarxey ciidamo daacad u kala ah Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar.

Dagaaladaan ayaa ku khasbey in 3.8 million dad ah ay ka qaxaan guryahooda, sidaas waxaa dhowaan warbixin ku soo saarey WFP.

Dadka dagan magaalo madaxda Koonfurta Suudaan, Juba, ayaa ku eedeeyey dowlada dalkaas iney ku kharash gareyso gawaari inta ay ku bixin laheyd lacagtaan mashaariic horumarineed.

" Afartan Kun oo dollar mid walba oo kamid ah xildhibaanada waa lacag badan. muxuu yahay gadiidka noocaas ah?" qof dumar ah ayaa sidaas u sheegtey barnamaijka Newsday ee ka baxa idaacada BBC.

" Dowladu ma kala jelca xaalada dadku ku nool yahay. Tani ma musuqmaasuq baa? Xildhibaanada ma waxaa lacagtaan loo siiyey in lagu aamusiyo?" ayey ku dartey qoftaan dumarka ah hadalkeedii.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan- Sawirka ABC News


  • Koonfurta Sudan waa wadanka ugu da'da yar caalamka
  • Madaxweyne Kiir waxaa xukunka dalkaas hayey tan iyo intii uu xornimada ka qaatey dalka Sudan 2011
  • Dagaalka sokeeye ayaa dalkaan ka qarxey 2013, waxaana uu sababey xaaladii bini'aadnimo ee ugu xumeyd ee ka dhcda Afrika 
  • Dagaalka sokeeye ayaa dalkaan ka qarxey 2013, waxaana uu sababey xaalad bini'aadnimo tii ugu xumeyd ee ka dhacda Afrika
  • Waxaa uu cunto la'aan ka dhigey 7.1 million qof dagaalkaan iyadoo dalkaas tirada dadkiisu guud ahaan yahay 12.2 million qof, sidaas waxaa laga xigtey WFP
  • Labo Milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaalkaan kuwasoo xeryo dalkaan gudihiisa ku yaal dagan.
  • 1.8 million qof ayaa u qaxay wadamada dariska la ah wadankaas
  • Doorashada wadankaan ayaa la filayey iney dalkaas ka dhacdo sanadkii 2015.

Dadka dagan magaalo madaxda Juba ayaa sidoo kale sheegey in shaqaalaha dowlada aysan wax mushahar ah qaadan muddo Afar bilood ah.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha dalkaas Ateny Wek Ateny ayaa BBC Newsday u sheegey isagoo difaacaya go'aankaan, in xildhibaanada lacagtaan loo siiyey deyn ayna bixin doonaan.

Dhaqdhaqaaqa Xildhibaanada waa arin muhiim u ah dowladnimada ayuu hadalkiisa raacsadey.

 

 

 

 

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM