Xildhibaano: Nigeria waxay halis ugu jirtaa in ay noqoto sida Soomaaliya

Image

ABUJA, Nigeria – Mudaneyaasha baarlamaanka dalka Nigeria ee Galbeedka Afrika ayaa kusoo biiray mas'uuliyiinta qaar kamid ah wadamada caalamka ee ku oor-kacsanaya xaalada ay hada ku sugan tahay Soomaaliya.

Sharci-dejiyeyaasha Golaha Wakiilada oo fadhi ay maanta yeesheen kasoo saarey qoraal wadajir ah ayaa carabka ku dhuftay "in waddankooda uu halis ugu jirto in uu lamid noqdo midkood Soomaaliya ama Rwanda".

Sidda uu wariyey bogga Thisdaylive.com, golahaan wuxuu si gaar ah walaac uga muujiyey xaalada amni darro ee u muuqata mid faraha kasii baxeysa.

"Golaha wuxuu ku nuux-nuuxsaday in mowjadaha amni darro ay gaareen meeshii ugu sareysay, wuxuuna intaas ku darey hadii aan si deg-deg ah wax looga qaban karo ay Nigeria khatar ugu jirto in ay ku socoto wadada Rwanda ama Soomaaliya," ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay mareega.

Madaxweyne Maxamaduu Buhaari ayay ugu baaqeen in uu kala diro taliyeyaasha ciidamadda soona magacaabo xubno cusub oo isbedel la yimaada.

Qaylo-dhaantan ayaa kusoo hagaageysa xilli todobaadkii hore weerar ay kooxda Daacish sheegtay lagu dilay askar badan. Hujuumkaas lala eegtay kolanyo ciidan wuxuu ka dhacay magaalada Baga ee gobolka Borno.

Maleeyshiyaadka dusha saartay weerarkan ayaa ka go'ay falaagada Boko Xaraam kuwaasoo gacansaar la leh shabakadda argagixisada ee Al-Qaacida.

Nigeria iyo Soomaaliya ayaa ka siman la dagaalanka kooxaha argagixisada ah kuwaasoo ah khatarta ugu balaaran ee ammaanka wadamadan, iyaddoo Mareykanka uu yahay xulafada ugu balaaran ee ka taageera ololahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM