Xisbiga ka arimiya degaanka Soomaali oo magaca laga badadalay

Image
Image

JIGJIGA, Degaanka Soomaalida – Xisbiga haya talada degaanka Soomaalida ee hoostaga dowlada federaalka Itoobiya ayaa waxaa uu gebi ahaanba iska badalay magacii uu lahaa tan iyo aas-aaskiisa.

Xisbul xaakim-ka ayaa horey loo oran jiray Xisbiga Dimoqraadiga Shacabkiga Soomaalida Itoobiya, taasoo haatan loo badalay Xisbiga Dimoqraadiga Soomaali, loona soo gaabiyo [SDP].

Tani ayaa qayb ka ah mid kamid ah qodobada kasoo baxay maalintii labaad shirwaynaha xisbiga oo ka socda xarunta degaanka ee Jigjiga.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyay shirwaynaha, iyada oo la rajaynayo in laga soo saaro war-murtiyadeed ay isku raaceen dhamaan xubnaha kasoo qaybgalay.

"Magac ka badalida xisbiga waxay ahayd wax lasii qorsheeyay ... waxaana lagu ansixiyey maalintii labaad ee shirwaynaha xisbiga," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha shirka ka qaybgashay.

Madaxwayne Mustafa Cagjar, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha xisbiga Axmed Shide iyo tobanaan kale oo xubno xisbiga tirsan oo qaarkood ay codad leeyihiin ayaa shirka si habsami leh uga qaybgalaysa.

Arrintaan ayaa qayb ka isbedalo tan iyo bartamihii sanadkii hore 2018 ka socda degaanka oo ku baxay Cabdi Maxamed Cumar, madaxwaynihii hore ee degaanka, kaasi oo haatan xabsi ku jira, wajahayana cadaalada.

Cabdi Illay ayaa loo haystaan eedaymo ku saabsan ku tagrifal awoodeed, xasuuq dadwayne iyo in uu isku dayay in uu isku dayay in uu madax banaani uga dhawaaqo gobolka Soomaalida, eedaymo uu beeniyay.

Logo-da cusub ee xisbiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM