Xukun lagu ridday shaqsiyaadkii loo haystay weerarkii Westgate Mall

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa Jimcada maanta ah xukuntay labada shaqsi ee la sheegay in xeer-beegtada ku caddeysay in ay door ku lahaayeen weerarkii ururka Al-Shabaab ee Westgate Mall.

Maxamed Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay 33-sano oo xarig ah, halka Xasan Xuseen Mustafa garka loo geliyey 18-sano oo xabsi ah.

Soddon iyo kow sano jiraddan ayaa 7-dii bishaan October waxaa lagu dhawaaqay in lagu helay dambiyo ay kamid yihiin in ay qayb ka qaateen naqshadeynta duulaankaas iyo in ay caawiyeen dableydii howlgalka fulisay.

Xukumaneyaasha oo fadhigii maanta ka hadlay ayaa garsooraha waydiistay naxariis maadaama ay 7-dii sano ee u dambeysay ay jeel ku jireen.

"Inkasta oo qareenadooda ay ku adkeysteen in aysan dambi gelin, haddana waxaa cad in ay ku kaceen fal khatar ah, dhimasho iyo burbur horseeday, waxaana ay mudan yihiin ciqaab," ayuu garsoore Francis Andayi tibaaxay.

Garsooraha oo aqbalay soojeedintooda in ay todoba xirnaayeen ayaa ku kala xukumay min 26-sano oo Cabdi ah, iyo 11-sano oo Mustaf ah.

Cabdi waxaa 15-sano oo kamid ah xukunka lagu ridday loogu go'aamiyey in uu mukhaabaraadka u qaabilsanaa dableyda, in uu u faafin jiray dayaacadaha iyo in uu ku taageeray qalab uu kamid yahay laabtoobkiisa shaqsiga ah.

Weerarkii Westgate Mall oo dhacay 21-ka September 2013-kii ayaa lagu dilay ku dhowaad 70 ruux ay ku jiraan cadaan reer Galbeed ah, halka ay ku dhaawacmeen tirro kale. Dableyda waxay dhismaha haysteen afar maalmood.

Beegsiga xaruntaas loo tukaameysi tago ayaa ku qasbay dowladda Kenya talaabooyin ay kamid yihiin in ay xoojiso joogitaankeeda gudaha Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraro kale oo horleh, balse ma guuleysan qiddaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM