Xukumida rag loo haysto weerarkii Westgate Mall oo dib loo dhigay

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala caasimada waddanka Kenya ee Nairobi ayaa Isniinta maanta ah waxay dib u dhigtay xukumida saddex shaqsi kuwaasoo loo haysto weerar Al-Shabaab fulisay bishii September sanadka 2013-kii.

Garsooraha xeer-beegtada ayaa tilmaamay go'aanka kama dambeysta ah ee kiiskan ay ku dhawaaqi doonan maalinta Talaadada ah.

Warbaahinta maxaliga ah oo warisay baajinta xukunkan lagu wadday in uu maanta soo baxo ayaanan soo bandhigin sababta keentay.

Waa markii afaraad oo dib u dhac ku yimaada maxkamadeynta shaqsiyaadkan. Markii ugu dambeysay ayaa waxay kala ahaayeen 18-kii September.

Xuseen Xasan Mustafa, Liibaan Cabdullaahi Cumar iyo Maxamed Axmed Cabdi ayaa lasoo qabtay asbuucyo kadib weerarkii Westgate Mall.

Dacwadaha lagu soo oogay waxaa kamid ah argagixisanimo, taageerida koox xagjir ah iyo in ay Kenya kusoo galeen hab sharci darro ah.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa lagu dilay falkaas, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen. Dableyda waxay afar casho haysteen daartaan loo tukaameyso kahor inta aysan ciidamadda milatariga dib ugala wareegin.

Wallow dhacdadan ay ahayd todoba sano kahor, dacwad-oogeyaasha ayaa shan sano waxay ku qaadatay in ay soo uruuriyaan caddeymaha la tuhunsaneyaasha, si gaar ah in ka badan 145 markaati oo ay horgeeyaan maxkamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM