Xusni Mubaarak: Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday

Image

KHAAHIRA, Masar - Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Xusni Mubaarak, ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 91 jir, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda, Talaado.

Wiilka Mubarak, Alaa Mubarak ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Subaxdan, aabahay, madaxweyne Mubarak wuu geeriyooday”.

Mubarak ayaa muddo la xarbinayey xanuun, waxaana dhowaan loo gudbiyey qeybta daryeelka dadka xaaladdoodu liidato ee isbitalka.

Mubarak ayaa waxa uu Masar xukumayey muddo 30 sano ah ka hor inta inta aan xukunka looga tuurin dibad-baxyo waa weyn oo dalka ka dhacay sanaddii 2011.

Waxa uu xabsi ku jira sanado kadib kacdoonkii lgu riday, hase yeeshee waxaa lasii daayey sanaddii 2017 kadib markii lagu waayey inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

Saraakiisha ayaa sheegay in loo sameyn doono aas heerkiisu sareeyo, wallow uu ku eedeysan yahay arrimo musuqmaasuq.

Bishii June, 2019 ayay ahayd markii uu dhintay Maxamed Mursi, madaxweynihii ugu horeeyay ee Masaarida kusoo doortaan hab dimuqraadi ah. Mursi wuxuu ku dhex-dhintay xabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM