Yaa ka dhex-macaashtay xurgufta badda ee Soomaaliya-Kenya?
NAIROBI, Kenya – Qareenadda ayaa waxaa soo if-baxeysa in ay yihiin cidda ugu wayn ee faa'idada ka dhex-sameysay xurgufta badda ee ka dhaxeysa dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Hantidhowrka Nairobi ayaa lagu waramayaa in kooxda sharciga ee u qaabilsan qadiyaddaan ay siisay 300 shilin oo lacagta dalkaasi, taasi oo u dhiganta laba kun oo dollar-ka Mareykanka ah [2,000 USD].
Qiyaasi dib loo eegay ayaa muujineysa in miisaaniyada Kenya ee sanadkaan ay kooxdaasi loogu kordhin doono lacagtaasi inkasta oo ay tahay wax ka yar hal dollar.
Maxkamada Cadaalada Aduunka [ICJ] ayaa la filayaa in kiiskaan ay go’aan kasoo saarto sanadka dambe xili ay Soomaaliya ugu cad-cadahay in ay Kenya labinta kaga hesho kiiskaan marka loo eego dooda dalkeena.
"Marba marka kasii dambeysay way sii kordheysaa mushaarka ay helayaan kooxaha sharciga ee ku howlan muranka badda ee Soomaaliya-Kenya," ayuu yiri Hantidhowrka oo xusay in wadar ahaan ay helaan laba kun oo dollar.
Xukuumada Nairobi ayaa ku doodeysa in iyaddu ay leedahay xariiqinta soo jirta dhanka Bari, isla markaana uu u sameeyay Isticmaarkii Ingiriiska.
Soomaaliya, oo wareegii 1-aad ku guuleystay kiiska, ayaa raadineysa in sohdinteeda badda lala simo tan dhulka, taasi oo marka loo eego ay iyaddu yeelaneyso halka ay Kenya u xusul duubaneyso.
ICJ ayaa inta badan waxay xukun ku ridaan kiisaska la xiriira muranada dhanka dhulka ee soo kala dhex-gala wadamadda caalamka.
Inkasta oo ay sidaasi tahay, maxkamadu malahan awood ay ku fulineyso xukunada ay riddo, taasi oo calaamad su'aal ka keeni karta hadii ay Kenya u hogaan-sami doonto go’aanada soo baxa.
Is-qabqabsiga ay Kenya abuurtay sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu sameeyay wax soo saar dhanka Shidaalka ah oo aaga la isku haysto ka socday sanado badan.
Bishii Febraayo, Kenya ayaa dib ugu yeeratay safiirkeeda kadib markii ay ku eedeysay dowlada dhexe in ay xaraashtay Shidaal ku jiray aaga ay dooda gelisay, balse xukuumada Muqdisho way beenisay warkaasi.
Dowlada Federaalka ah ayaa ku tilmaamtay hadaladaasi kuwa ay ku dooneyso in ay ku marin-habaabiso gal-dacwadeedka, waxayna meesha ka saartay in qaab hoose lagu dhameeyo arrinka.
GAROWE ONLINE