Zimbabwe: Kufsi lagu xukumayo qofkii ku kaca fal jabinya waddaniyada

Image
Sharciga xeerinaya qodobkan ayaa la meelmariyay waxaana ka dhashay caro iyo buuq siyaasadeed.

HARARE, Zimbabwe - Baarlamaanka Zimbabwe ayaa u codeeyay hindise sharciyeed muran dhaliyay ee lagu ciqaabayo muwaaddiniinta "filalka waddaniyadda la'aanta ah" oo ay ku jiraan in lagu soo rogo ganaaxyo culus ama xitaa ciqaab dil ah.

Mucaaradka ayaa ansixintan waxay ku tilmaameen maalin madow oo dimuqraadi ah. Sharcigan loogu magac-daray "Xeerka Ciqaabta Waddaniyadda" ayaa beegsanaya "kuwa waxyeelleynaya danaha qaranka Zimbabwe".

Qodobada ku jira waxaa kamid ah "in muwaadin kasta oo la kulma wakiil ka socda waddan shisheeye ay ujeedadu tahay in lagu dhiirigeliyo cunaqabataynta Zimbabwe ama afgembi dowladda".

Qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee dowladda iyo shirkado ay dowladdu leedahay ayaa waxaa saaran cunaqabateyn ay soo rogeen reer galbeedka ah sababo ku aadan in lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Mas'uuliyiinta ayaa in badan arrintan waxay ku eedeeyaan mucaaradka oo ay doonayaan inay joojiyaan shirarka u dhexeeya mucaaradka iyo saraakiisha ajnabiga ah.

Xildhibaano gaaraya 99 ayaa u codeeyay sharciga oo ay diideen 17 sharci-dejieyaal kale. Sharcigan waa mid kamid ah kuwii ugu muranka badnaa tan iyo markii uu xilka qabtey madaxweyne Emmerson Mnangagwa.

Sharcigan ayaa waxaa loo gudbin doonaa golaha guurtida ka hor inta uusan qalinka ku duugin Mnangagwa isla markaana loogu soo saarin faafinta rasmiga ah si loo dhaqan-geliyo.

Dadka dhaleeceeya Mnangagwa ayaa sheegaya in sharcigan uu yahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka maadaama uu ka hor imaanayo xoriyadda isu imaatinka iyo xuquuqda hadalka.

Sarkaal ka tirsan mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in dariiqa lagu soo afjari karo cunaqabateynta ay tahay in la dhowro xuquuqda aadanaha, balse aysan ahayn in dambi laga dhigo dhaleeceynta.

Isbeddellada muranka dhaliyay ayaa la meelmariyay iyada oo qayb ka ah wax ka beddelka taxanaha ah ee Sharciga Dambiyada. Xildhibaanada ayaa sidoo kale u codeeyay in lagu xukumo ugu yaraan kufsi qofkii lagu helo falal ka hor-imaanaya waddaniyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM