Afar sano guuradda Laftagareen: Halaag mise Hagaajin?
BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Afar sano dhameystiran ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii Cabdicasiis Xasan Maxamed oo loo garan og-yahay Laftagareen loo doortey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed bishii December 19, 2018.
Madaxtooyada maamulkan ayaa kharash ku bixisay buun-buuninta afar sano guuradan. Xaflad ay boqolaal xaadireen ayaa loogu tamash-leeyay. Dhalinyaro laga kaxeeyay Muqdisho ayaa loo kireeyay si ay baraha bulshada ugu ammaanan.
Xildhibaano heer federaal ah balse degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa si weyn u camiray damaashaadkan. Balse, qaar kamid ah madaxda maamuladda ayaa ka cudurdaartey in ay kasoo muuqdaan xafladda.
Munaasabada ayaa kusoo hagaagtey xilli gudaha Baydhabo ay joogaan 1.2 milyan ruux barakacyaal ay abaaraha iyo dagaalada Al-Shabaab kasoo qixiyeen degaanadooda si lamid ah gadood siyaasadeed uu ka taagan yahay xilheynta Laftagareen.
Xabsi kor ka furan
Dhamaan degaanada ku hareereysan iyo waddooyinka soo gala Baydhabo waxaa ka taliya maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab. Tani waxay ka dhigan tahay in xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed ay ku jirto xaalad go'doon ah.
Afar mas'uul oo uu ku jiro wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay weerar qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ah shantii bilood ee lasoo dhaafay. Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyada falkan.
Sidoo kale, ugu yaraan 20 ruux ayaa lagu dilay qaraxyo isugu jira miino iyo kuwa gaari lagu xiray ka dhacay gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool shantii bilood lasoo dhaafay. Ma jito cid illaa waqti-xaadirkan loo maxkamadeeyay falalkan.
Isaga oo ka hadlayay xafladda dabaal-degga, Laftagareen oo si toos ah carabka ugu dhuftey "in Al-Shabaab ay haysato Koonfur Galbeed" ayaa xaqiijiyey in mas'uuliyiinta dowlad goboleedka iyo dadka shacabka ay ku jiraan "xabsi kor ka furan".
Caburin iyo xarig
Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay muuqaal dheer oo looga sheekeyay wax-qabadka afarta sano ee Laftagareen. Hadalo qurux badan, dhimsha xafiisyo iyo kobac dhaqaale oo shacabka uu ka gaajeysan yahay ayaa lagu harqiyey.
Dabcan, lagama fileyn sheegida daldaloolo ay kamid tahay ciribtirka Al-Shabaab oo aan taako laga xoreyn dhulka Koonfur Galbeed si lamid ah xariga iyo caburinta shacabka iyo siyaasiyiin qaar badan oo kamid ah wali ay xabsi ku jiraan.
Wariyeyaasha qaarkood ayaa loo xiray in ay baahiyeen warar ay siyaasiyiin mucaarad ah ku dhaleeceeyeen hogaanka maamulka, sidda ay sheegeen ururadda u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee kala ah SJS iyo FESOJ.
Siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Xildhibaano hore ayaa qudhooda waxaa xabsi loo dhigay in ay ka hor-yimaadeen "hab-dhaqanka caburinta iyo xariga ku dhisan" ee madaxwayne Laftagareen oo ay ku waaniyeen in uu kusoo laabto "dariiqa sharciga".
Xasaradda ku darsiga
Bishii April 20-keeda sanadkii 2020, baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa hal sano u kordhiyey Laftagareen. Mooshinkas waxaa qiil looga dhigay mideynta xilheynta madaxweynaha iyo xeer-dejinta. Balse, wuxuu abuuray xasarad iyo buuq.
Khilaafkan siyaasadeed ayaa haatan ku dhow in uu gacan ka hadal isku badalo. Saraakiil ciidan ayaa Baydhabo uga dhawaaqay "Badbaadada Koonfur Galbeed". Balse, Laftagareen wuxuu ku eedeeyay "saadaalinta balaayo aan jirin".
Dhanka kale, Xildhibaan hore heer federaal Ibraahim Isaaq Yarow oo taageero u muujiyey ciidankan ayaa Laftagareen ku eedeeyay "nin-jeclaysi, kala sareyntiisa bulshadda iyo in uusan daacad ka ahayn ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah".
Sikastaba, afar sano kadib waxaa ka muuqda Koonfur Galbeed wali la hirgelin xasilooni iyo biseyl dhanka siyaasadda ah. Intaas waxaa dheer, in ay soo laaban karto taariikhdii lagu caleema-saarey Laftagareen – waa haddii aanan la helin isku-tanaasul.
GAROWE ONLINE