Baydhabo: Barakac, walbahaarka Al-Shabaab iyo go'doon
BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maryama Qaasim oo ku nool xero ay joogaan dad barakacayaal ah kuna taal duleedka magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtey in da’deeda oo weyn aawadeed aysan gareyn karin inta sano ay jirto balse ay u maleyneyso in ay 50-jir tahay.
"Waxaan ahayn beeraley waxaanan sidoo kale haysanay xoolo," ayuu yiri Maryama u sheegtey NPR. "Laakiin saddexdii sano ee u dambeeyay roob ma da’in, abaar baa jirtay, markaa waanu waynay dalagyadayadii aanu beeran jirnay".
Hadalka Maryama ayaa ka turjumaya nolosha kumanaan kale oo ku jira xeryaha barakacyaasha ee xarunta gobolka Baay. Guud ahaan Soomaaliya, abaarta waxay saameysay ku dhowaad 9 milyan ruux – saddex meelood laba kamid ah dadkaas waxay ku nool yihiin Koonfur Galbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa diidey in ay ku dhawaaqdo macluul iyadda oo cuksaneysa in xaaladda ay kasii fiicnaaneyso. Balse, hay’adaha gargaarka waxay sheegayaan in wali saameynta ay jirto isla markaana loo baahan yahay taakulo dheeri ah.
Walaac isa soo taraya
Dr Cali Nuur Maxamed oo maamula isbitaal ku dhex-yaala mid kamid ah xeryaha barakacyaasha ayaa tibaaxay in tirada carruurta ay nafaqo-xumada hayso ay aad ugu dhawaaneyso sarre u kac shan laab ah lixdii bilood ee la soo dhaafay.
"Xaaladdu wali waa halis," Nuur ayaa yiri. Wuxuu sheegay in maalin walba ay soo kordhayaan qoysas soo galaya xeryaha. Inta badan carruurta imanaysa "hortaba waa kuwa ay nafaqo-xumo hayso," ayuu caddeeyay.
Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in cunno yarida sii kordhaysa ay u horseedi karto macaluuL. Cunto yarida ma ahan oo kaliya mid saameyneysa koonfurta dalka, inkastoo hay’adaha samafalka ay ka digayaan in Baydhabo ay ka mid tahay goobaha dalka oo bilaha soo socda ay ka dhici karto macluul baahsan.
"Soomaaliya waxaa soo food saartay in la waayey afar xilli roobaad oo xiriir ah, waana abaartii ugu darneyd ee aan aragnay muddo 40 sano ah," ayay tiri Elizabeth Omoke, oo ah khabiir ku takhasusay xaaladaha degdegga ah ee xafiiska UNICEF ee Soomaaliya ee Muqdisho. "Xaaladdu waa xun tahay."
Go'doominta Al-Shabaab
Dadka ku nool xeryaha Baydhabo intooda badan ayaa sheegaya in aysan helin gargaar cunto oo badan, balse Omoke ayaa ku adkeysanaya in hay'adaha gargaarku ay ku dadaalayaan sidii ay gargaar ugu heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxba u reebeen.
Halista cunto-yarida waxaa dheer, maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa oo ka joojiyey hay’adaha gargaarka in ay raashin mucaawino ah ka qeybiyaan degaannada ay ka taliso. Mushkiladan ayaa ku badan degaanada Koonfur Galbeed.
Dhammaan waddooyinka soo gala Baydhabo ayaa waxaa maamula Al-Shabaab, taasoo ku khasabta hay'adaha gargaarka inay duulimaad adeegsadaan.
Kooxaha bini'aadantinimada ayaa xitaa baabuurta gaashaaman diyaarad ku daabula sababtoo ah aad ayay khatar u tahay in Baydhabo looga soo qaado magaalada Muqdisho ee caasimadda. Siyaasiyiinta ayaa tani ku qeexaycawaaqbi ka dhashay in aan la qaadin guluf ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE