Al-Shabaab oo bilowdey olole ay uga jawaabeyso kacdoonka shacabka

Image
Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen qaraxyo shacay ka dhacay Beledwayne.

BELEDWAYNE, Hiiraan - Ciidamadda ammaanka Beledwayne ayaa xalay qabtey nin la tuhunsan yahay in uu qorsheynayay is-miidaamin kadib saddex qarax gaari oo Isniinta maanta ah ka dhacdey xarunta gobolka Hiiraan.

Muuqaal ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqsigan oo ay ku hareereysan yihiin askarta. Wali ma jirto cid fahfaahisay.

Dadka ku dhaawacmay weeraradii maanta ee Beledwayne ayaa loo keenay Muqdisho si ay u helaan baxnaano maadaama isbitaalka weyn ee xarunta gobolka Hiiraan uu horey ugu burburay qaraxyo horey loola eegtey.

Mas'uuliyiin dowladeed ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Bandow dhaqan-galay fiidnimadii xalay ayaa lagu soo rogay Beledwayne kadib qaraxyaddii maanta ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ammaanka oo talaabadan la xiriiriyey ka hortagga falal kale argagixiso ayaa sheegay in isu-socodka magaaladda uu dib u bilaaban doono barqada maanta.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cusmaan ayaa yiri "Bartilmaameedka qaraxyadda Beledwayne aniga ayuu ahaa. Laakiin waa fal argagixiso oo ka dhacay meelo kale iyo guud ahaan aduunka. Al-Shabaab iyo annagana waa noo qooshan tahay".

Howlgalka Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen nawaaxiga magaalada Jilib ay ku khaarijiyeen hogaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ma shaacin magaciisa. Balse, waxay xuseen in uusan jirin khasaaro shacab. Dowlada Soomaaliya ayaa xalay warisay in howlgal qorsheysan lagu dilay Cabdullaahi Naadir, madaxii dacwadda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay bilowdey olole ay uga jawaabeyso kacdoonka shacabka ee ka curtey gobolka Hiiraan kuna sii fidey qaybo kamid ah dalka ayaa dowladda federaalka ku tilmaamtey in uu yahay dhamaadka argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM