BBC: Fursada hortaala Soomaaliya ee isku rogi karta colaad beeleed
LONDON, United Kingdom - Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab waa "fursad" lagu dabar-goyn karo maleyshiyadda balse isku-rogi karta "colaad beeleedyo," sidda ay ku warantay BBC-da oo soo xigatay sarkaal ciidan.
Sarkaalka oo ka tirsan kumaandooska Danab ee uu tababaray Mareykanka ayaa kamid ah kolanyo wariyeyaal ka tirsan warbaahintan fadhigeedu yahay Ingiriiska u galbiyey degaanka Bukure ee gobolka Hiiraan.
Inkasta oo aan lasoo bandhigin magaciisa sababo ku aadan in uusan fasax haysan, sarkaalka ayaa ammaanay kaalinta Washinton ee tababarida ciidamadda gaarka ah ee Soomaaliya kula dirireyso Al-Shabaab.
Warbixinta ayaa walaacan waxaa loogu cuksadey shakiga ay siyaasiyiinta qaar ka muujiyeen in dowladda ka go'an tahay sii wadida dagaalka iyo cabsi ku saabsan in ololahan isku badali karo "dagaal qabiil".
Lataliyaha dhanka ammaanka madaxweynaha, Xuseen Sheekh Cali oo qormada kasoo muuqdey, ayaa difaacay istaraatiijiyada dowladda wuxuuna rajo ka muujiyey in ay guul kusoo dhamaan doonto.
"Cabsi ku seexan jirnay habeenkii"
Intii ay booqashada ku joogeen Bukure, saxafiyiinta ayaa arkay mehrad iyo ceel-biyood lagu waramay in ay gubtey Al-Shabaab kahor inta aysan isaga hayaamin ayna la wareegin ciidamadda iyo dadka degaanka.
"Intii ay halkan joogtey Al-Shabaab, waxaan ku seexan jirnay cabsi habeen walba," ayuu yiri Cali Daahir Warsame, oo 48 jir ah, oo kamid odayaasha dhaqanka ee degaanka Bukure
Wuxuu raaciyey: "Laakin hadda waxaan fahamsanahay in aysan wax lug ah ku laheyn diinta Islaamka, waxa ay dhibaato u geysanayeen dad aan waxba galabsan, waxaan kalsooni ku qabnaa 100% in aan wiiqayno".
Ciidamadda Danab ayaa lagu wadaa in bilooyinkii soo aadan la kordhiyo tiradooda oo inta haatan la og-yahay dhan 1,500, sidda ku cad warbixinta oo intaas ku dartey in Mareykanka sare u qaadey taakuleynta kumaandooskan.
Ololaha ay dadka degaanka qeybta ka yihiin ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan hakad ku jira sababo ay kamid yihiin saadka oo gaabis ku yimid waxaana dowladda ku dadaalaysaa in ay hesho sahay ku filan kahor dib u bilaabida.
GAROWE ONLINE