Beesha Caalamka oo kusoo biirtey bogaadinta Macawiisleyda

Image
Dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay qirtey kaalinta dagaalyahanadan.

NAIROBI, Kenya - Iyada oo ay sii xoogaysanayaan dagaalada lagula jiro maleyshiyada Al-Shabaab, waxaa soo kordhaya taageerada iyo bogaadinta loo hayo Macawiisleyda, waxaana markan kusoo biirtay Beesha Caalamka.

Inkasta oo war saxaafadeedyada Beesha Caalamka aanan si qayaxan loogu faahfaahinin, haddane sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin, Beesha Caalamka ayaa si weyn ugu faraxsan hawlgalada dhaqdhaqaaqan.

"Waligeey ma arag Beesha Caalamka oo sidan u faraxsan sida ay hadda ugu faraxsanyihiin Macawiisleyda," ayuu yiri Xuseen Macalin oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta caalamka.

Xuseen oo ah injineerka istaraatiijiyadda amniga qaranka ee cusub ayaa tibaaxay in Macawiisleyda ay hadda si rasmi ah qeyb uga yihiin qorshaha Amniga Qaranka.

La Taliyaha Amniga Qaranka ayaa xusay in Macawiisleyda ay dowladda siiyaan xogta ugu muhiimsan ee meelaha ay maleyshiyaadka Al-Shabaab ku sugan yihiin, dhaqdhaqaaqooda iyo waliba waxa ay qorsheynayaan, taas oo dowladda u sahasha in ay qaaddo tallaabooyinka habboon.

Dowladda ayaa markii ugu horeysey shaacineysa in Macawiisleyda ay xoojiyeen sharciyaddii dowladda ee la dagaalanka Xoogaga Al-Shabaab, sida uu qirayo Xuseen Macalin.

Balse welwel xooggan ayaa laga qabaa waxa dhalan doona marka lagu guuleysto dagaalka Alshabaab, waxayna qubarada qabaan in loo baahanyahay hub ka dhigis, qaramayn iyo waliba in adeegyada asaasiga ah la gaarsiiyo dhulka laga xoreeyay Alshabaab.

Waxaase la isku raacsanyahay in kooxda Al-Shabaab laga qabsaday dhulkii ugu badnaa intii u dhaxaysay bishii June illaa hadda marka la barbardhigo dhulkii laga qabsaday shanti sano ee lasoo dhaafay ee maamulkii Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markii Xeerarkii Caalamiga Ahaa Daciifeen: Somaliland iyo Aragtida Hindiya

Go’aanka Israa’iil waxa uu yimid iyadoo dunida inteeda kale ay wajahayso xaalado kala duwan…

  • Faalada Warka

    03-01-2026

  • 05:03AM

Ma Aqoonsi Somaliland baa mise waa Hoggaankii Soomaaliyeed oo horey u Fashilmay?

Tallaabada Israa’iil qaadday oo ay ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland waa mid …

  • Faalada Warka

    26-12-2025

  • 09:26PM