Buuq ka dhashay qoraal Villa Soomaaliya ka faafisay askarta Eritrea

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa maanta kormeeray xero lagu tababarayo cutubyo kamid ah dhalinyaradan.

CASMARA, Eritrea – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcada maanta ah wuxuu booqdey cutubyo kamid ah ciidamadda Soomaaliya ee ay tababartey dowladda Eritrea, sidda ay faafisay Madaxtooyadda Qaranka.

War-saxaafadeedka oo lagu daabacay ciwaanka gaarka ah ee Villa Soomaaliya ku leedahay Facebook-ga ayaa lagu sheegay in askarta uu xeradooda ku kormeeray Xasan Sheekh ay yihiin guuto loo tababaray Ciidanka Cirka.

Bayaanka ayaa waxaa lagu caddeeyay in cutubyadan tababarka loo bilaabay bishii July ee sanadkan sii dhamaanaya 2022 xilligaas oo Xasan Sheekh uu booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Eritrea kadib doorashadiisa 15-ka May.

Qodobkan ayaa sababay buuq, tuhun iyo waydiimo. Dadka faalaynaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxtooyadda ay ka leedahay laba ujeedo; labin sheegasho iyo baabi’inta wax-qabadka madaxdii xilka uga horeysay.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed," ayuu u qornaa qodobka shakiga kiciyey.

Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa haatan xilka haya ayaa si weyn uga soo horjeeday qaabka qarsoodiga ah ee ciidankan lagu geeyay Eritrea. Qaar badan uu madaxweynaha ku jiro ayaa horey u sheegay in laga dagaal-geliyey Tigray.

"Ka macaashka" ka warbixin la’aanta

Inkasta oo laga yaabo in ay ka faa’iideysteen ka warbixin la’aanta dowladdii hore, maamulka Xasan Sheekh ayaa markii uu xafiiska la wareegay wuxuu dib u saxay hadaladaas isaga oo qiray in uusan jirin qabarkaas.

Booqashadda madaxweynaha ee Eritrea ayaa kusoo beegantay xilli ay sidoo kale warbaahinta qabsadeen maalmihii lasoo dhaafay macluumaad ku saabsan in Masar iyo Imaaraadka ay ciidamo ka qoranayaan caasimada Muqdisho.

Jariiradda Middle East Eye ayaa daabacdey in Abu Dhabi ay maalgelineyso ciidamaddan isla markaana ujeedada loo tababarayo ay qayb ka tahay in lagu carqaladeeyo danaha dowlado kale sidda Turkiga iyo Qadar.

Dowladda federaalka ah ayaan wali ka jawaabin eedeymahan. Wasaaradda Gaashaandhiga oo lala sameeyo isku-dayo wax looga waydiinayo qadiyaddan ayaan ka jawaabin.

Soomaaliya oo ku taala marin-muhiim u ah ganacsiga aduunka iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika ayaa afartii sano marka doorasho qabsoonto waxaa hogaanka cusub ee yimaada uu u jaranjeeraa garab kamid ah dowlado is-haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM