Cabdi Ismaaciil: Tallooyin Soomaaliya ka badbaadin kara "cadaab"

Image
Mudanaha ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa maqaal ka qoray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

WASHINGTON, USA – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah mudane ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa wuxuu soo bandhigay saddex tallo oo Soomaaliya kaga badbaadi karto wax uu ku sheegay "cadaab aan dhamaad lahayn".

Samatar oo maqaal ku daabacay Daily Maverick ayaa aad u dhaleeceeyay istaraatiijiyada cusub ee maamulka Xasan Sheekh Maxamuud doonayo in uu ku wajaho dagaalka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay soo celinayo "dagaal sokeeye".

Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay guluf saddex jiho ah – milatari, dhaqaale iyo caqiiqado. Hase ahaatee, waxaa wehliya in dowladiisa ay ugu baaqdey dadka degaanka in ay hubka qaataan ayna iska dul-qaadaan "kooxda Khawaariijta ah".

Balse, Samatar ayaa rumeysan in xataa haddii qorshahan uu horseedo in laga adkaado Al-Shabaab uu dhabaha u xaari karo "in ay mar kale dhacaan qaladaadkii la diiwaan-geliyey sanadihii 1980-dii iyo 1990-kii".

Si taas looga baaqdo, madaxweynaha ayuu kula taliyey in uu qaado saddex talaabo isla markaana uu "ka fogaado in uu jilo sidda hogaamiye kasta kalsoonida shacabka dalkiisa".

Talada Koowaad

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda federaalka ah ee uu haatan xilka haysa ee uu hogaamiyo Xamse Cabdi Barre ayuu ku taliyey in la badalo lana keeno Gole Wasiiro oo haysta kalsoonida shacabka iyo siyaasiyiinta.  

"Waxaa la wada ogsoon yahay in ra’iisul wasaaraha hadda jira iyo wasiirradiisa loo magacaabay in madaxweynaha uu maamusho hay’adda fulinta halkii uu ka noqon lahaa madaxa qaranka sida uu qabo dastuurka KMG ah," ayuu qoray.

Talada Labaad

Golaha wasiirrada cusub ayuu carabka ku adkeeyay in ay tahay in ay mudnaan gaar ah siiyaan dib-u-dhiska ciidan qaran isugu jira booliiska iyo milatari labada sano ee soo socota laguna saleeyay xirfad iyo aqoon.

"Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha cusub iyo kooxdiisu waxay taageero dheeraad ah ka raadiyaan xulafada caalamiga ah si ay u sugaan ammaanka Muqdisho lagana xoreeyo kuwa u diidan. Muqdisho oo la xoreeyo dalka intiisa kale ayay dhiirigelin doontaa,"ayuu tibaaxay.

Talada Saddexaad

Dadweynaha caasimadda ayuu soo jeediyey in loo ogolaado inay soo doortaan duqa magaala madaxda iyo golaha deegaanka muddo sannad gudihii ah "si loo muujiyo waa cusub oo u baryay".

"Ugu dambayntii, inta Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo kooxdiisa ay ku hawlan yihiin arrintan, madaxwaynuhu waxa uu awoodiisa in badan ku bixiyaa sidii uu u heli lahaa sahay cunto oo loogu talagalay dhibanayaasha macluusha," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM