Cabdulqaadir Cabdul: “Aad ayaan uga xumahay sumcad dilka la igu sameeyay”
MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimihii hore ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdulqaadir Cabdul ayaa soo dhaweeyay xukunka Maxkamada Gobolka Banaadir ku beri-yeeshay kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.
HOOS KA AKHRISO QORAALKIISA
Mahadnaq, Guusha xaqa iyo go’aanka Maxkamadda Gobalka Banadir.
Marka kowaad waxaa mahad oo dhan leh Ilaahi SW ee na Abuuray oo talo kasta gacantiisa ku jirto.
Marka labaad waxaa farxad ii ah in Maxkamadda gobalka Banaadir ay ugu dambeyn, baaris iyo dood dheer oo daah furan kadib, go’aan ka gaartay eedeymihii la isoo jeediyay.
Waxaan aaminsanahay in qofkasta oo muwaadin ah ama xil u haya qaranka la’eedeyn karo, la tuhmi karo, baaritaan lagu sameyn karo, kadibna maxkamadda lala tiigsan karo. Inkastoo intaasba la sameyn karo iyada oo aan muwaadinka sharaftiisa la dhaawicin inta dambiga looga cadeynayo, hadana, Waxaa Sharaf ii ah in maxkamadu cadeysay in aan ahaa dhibane aan waxba lug ah ku laheyn si toos ah iyo si dadban midna dhamaan eedaha la isoo jeediyay.
Baritaanka lasameeyay, daahfurnaanta dacwadda iyo ugu dambeyn xukunka soo baxay, waxay runtii ka marqaati kacayaan madaxbanaanida iyo hufnaanta garsoorka dalka waan ku amaanaya hoganka garsoorka dalka iyo gaar ahaan garsoorayashi qaaday dacwadeyda.
Waxaan ku faraxsanahay in cadeymihii lasoo bandhigay iyo badi dadkii ii dhawaa intii aan ahaa adeegaha qaranka ay marqaati kaceen Isbadalka togan iyo hormarkii aan kusoo kordhiyay shaqadii qaran ee la ii igmaday intii aan joogay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed. Dhaqanka ku dhisan karti, aqoon, isxilisaar, hufnaan iyo cadcadi ayaa markasta saldhig u ahaa mabaadi’dayda shaqo xil iyo xil-la’aan labadaba.
Anoo runtii ka xun sumcad dilka shaqsi ahaan la igu beegsaday, waxaana balan qaadaya in aan sii xoojin doono ku adkaysiga iyo hortabinta danta qaranka iyo mida umadeed si kasta oo ay u dhib-badnaato ama la iskugu dayo in la iga weeciyo.
Waxaan mahad balaaran u jeedinayaa qoyskayga oo runtii culeys badan dareemay, Qareenadii ii doodayay, saxiibada igarab istaagay iyo dhamaan umadda soomaaliyeed ee taageerada iyo garab istaagi ii muujiyay intii dacwadu socotay.
Balanteenu waa horusocod iyo hortabinta danaha Qaranka.
Guul iyo Gobanimo
GAROWE ONLINE