Ciidanka Eritrea ku maqan: La-haystayaal mise askar dhibow ku jirta?
MUQDISHO, Soomaaliya - Wax ka badan muddo shan sano ayay ciidamo kor u dhaafaya shan kun oo askari oo Soomaali ah ku jiraan xerooyin ku yaalla Eritrea, halkaas oo la sheegay in ay tababar ciidan ku qaadanayaan.
Waa markii ugu horeysey oo muddo intaasi la’eg ciidan Soomaaliyeed uu dalka dibadiisa tabobar ugu maqan-yahay, taas oo ay dheer tahay in askarta aanan loo ogoleyn in ay fasax ugu yimaadaan qoysaskoodii, aadna loo yareeyay xiriirka isgaarsiineed ee ay la leeyihiin ehelkooda.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad muddo 3 bilood gudahood ah safar ku tagay Eritrea arrimo la xiriira ciidankan, waxaana lasoo warinayaa in madaxweynaha uu welwel badan ka qabo xaalka ciidanka, isaga oo xaryahooda ku booqday, xaalkoodana waraystay.
Horey waxaa usoo baxay warar sheegaya in Eritrea ay sheeganayso lacagtii tababarka ka galay in la siiyo, taas oo ay beenisay dowladda Soomaaliya.
Maamulkii Farmaajo ayaa ciidamaddan si qarsoodi ah tababar ugu diray Eritrea. Dowladda Qadar ayaa lagu waramay in ay maalgelineysay mashruuca. Balse, hadda lama ogga mowqifkeeda cusub.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u waydiistey dowladda Mareykanka in ay ka caawiso Soomaaliya dhaqaalaha lagu soo celinayo ciidankan. Balse, lama ogga haddii Washington ay aqbashay codsigaas.
Eritrea ayaa waxaa saaran cunaqabatayno kala duwan oo Qaramada Midoobay ah, taas oo adkaynaysa in beesha caalamka ay siiso wax lacag ah haddiiba ay ka jiraan dalabkeeda ku saabsan qarashka kaga baxay ciidanka Soomaalida, maadaamaa dowladda Soomaaliya ay u badantahay in codsigaasi ay hor dhigto beesha caalamka.
Qof kasta waxaa hal xiraale ku ah goorta ay ciidamadani kusoo laabanayaan gudaha Soomaaliya haddii la keeni waayay hadda oo la joogo xilligii loogu baahida badnaa oo lagu jiro dagaalka Al-Shabaab.
Shakiga ugu badan waxaa keenaya mudada dheer ee uu tabobarka qaatay, iyo dowladda Soomaaliya oo aanan bulshada la wadaagaynin faahfaahin ku saabsan goorta ay ciidanka dhamaysanayaan tabobarka, iyada oo mararka qaar dowladda ay faafiso warar dhaliya hadal hayn iyo jiho wareerin.
Si kastaba, ciidanka Eritrea ku maqan ayaa leh astaamo muujinaya in ay la haystayaal yihiin in ka badan inta loo arko in ay yihiin askar dhibboow ku jirta; waase su’aal hortaala maamulka Xasan Sheekh in uu beeniyo arrinkan.
GAROWE ONLINE