Deni oo looga digay in uu Puntland ku furo "albaabadda naarta"
GAROWE, Puntland - Heer-kulka siyaasadda Puntland ayaa meeshii ugu sareysay gaarey ka gadaal markii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu si furan banaanka usoo dhigay damaciisa ku wajahan muddo kororsiga.
Deni oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah ay uga hareen sideed bilood kaamil ah ayaa Golaha Wasiirada mariyay furida dastuurka si wax looga badalo qodobka 46aad ee xadidaya tiradda kama dambeysta ah ee xisbiyada.
Talaabadan ayaa timid xilli 25-ka May, 2023 loo balansan yahay doorashooyinka lagu muransan yahay ee goleyaasha degaanka taasoo ay qaadaceen qaar kamid ah Ururada Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus.
Meelmarinta soo-jeedinta furida dastuurka ayaa kicisay xiisad siyaasadeed iyo digniino ay hawada mariyeen siyaasiyiin qaarkood haatan xil-haya kuwa iyo kuwa horey usoo qabtey - heer federaal iyo heer maamul goboleed.
24-sano ka fudud 24-maalmood
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horeysay si cad u caddeeyay mowqifkiisa ayaa hogaanka Puntland ee haatan jira waxa uu uga digay "isku-day kasta oo jaajuub uu ku hirgelinayo fikirkiisa gaarka ah".
Xasan Sheekh oo ku booriyey Deni in uu dhageysto codadka ka aragtida duwan ayaa ku nuux-nuux-saday in iska-indho-tirida soojeedintaas ay dhabaha u xaari karto burbur dowladnimo iyo firaaq dastuuri ah.
"[Dadka Puntland] meesha ay maanta joogaan 24-sano ayay kusoo gaareen. Raali kama noqon doono in wax ka yar 24-maalmood lagu dumiyo [tacabkaas]," ayuu ka dhex-sheegay Masjidka Villa Soomaaliya.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ah aysan marnaba ogolaan doonin in qasab iyo caburin lagu sameeyo muwaadiniinta guud ahaan dalka ku nool.
Iridka naarta iyo qori isku-dhiib
Wasiirkii hore ee cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Puntland, Cawil Sheekh Xaamud, ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in fikirka muddo kororsiga uu Puntland ku furayo "albaabadda naarta".
"Madaxwayne [Saciid Cabdullaahi] Deni albaabada NAARTA ayuu Puntland u furi-doonaa Haddii uu isku-dayo in uu sameeyo muddoo kororsi," ayuu Mr Xaamuud ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.
Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo hanaanka soojireenka ah ee Puntland caanka ku ahayd oo ah xil-wareejin nabdoon.
"Madaxweynaha Puntland qorow siyaasadeed buu ku jiraa. Ma ogola shaqana kuma laha dimuqraadiyad. Haddii uu shuqul ku leeyahay dimuqraadiyad ma eryeen guddoomiyeyaasha baarlamaanka," ayuu yiri.
GAROWE ONLINE