Diblumaasiyaddii dowladda federaalka oo "dhabarka ka jabtay"
NEW YORK, United States - Kadib olole xoog leh oo qaatay muddo lix bilood ah oo uu hormuud ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo u gole fariistay cid kasta oo ay quseyso sidii uu uga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ayaa Khamiistiii kusoo idlaatay fashil kadib markii dowladihii ugu dhowaa xukuumadda hadda jirta ay ka codeeyeen qaraarkii Golaha Ammaanka la hor keenay.
Afar dal oo si weyn dowladda ugu dedaashay in ay cunaqabataynta ka taageeraan ayaa kuligoodba ku gacan seyrey, kana codeeyay Soomaaliya, waxayna kala yihiin Kenya, Imaaraadka, Maraykanka iyo Ireland.
Balse dowladda waxa ay ku guuleysatay taageerada Midoowga Afrika, taas oo ay gacan kaga heshey dowladda Itoobiya oo taageertay mashruuca Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa dowladda federaalka ku guuleysatay in afar dowladood oo waaweyn oo kala ah Shiinaha, Ruushka, Gabon iyo Ghana ay ka aamuusaan codbixinta.
Xilliga ay codbixinta dhacaysay, wasiirka arrimaha dibedda Abshir Huruuse ayaa magaalada Dublin ee caasimadda Ireland uga qeybgalayay shir caalami ah oo ku saabsan xakamaynta hubka halista badan.
Todobaad kahor, wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa dalka Masar kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna si qayaxan uga wada hadleen arrinta codbixinta Golaha Amaanka, taas oo uu madaxweynaha codsaday in Ireland ay taageerto dalabka Soomaaliya, balse dedaalkaas oo dhan ma uusan miro dhalin.
Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Martin Kimani ayaa codbixinta kadib sheegay in qafiifinta cunaqabataynta ay tahay arrin ku filan Soomaaliya in ay iska dhiciso Alshabaab.
Dowladda Xasan Sheekh ayaa dedaalkii ugu badnaa ku bixisay xiriirka dowladda Kenya, iyada oo labada madaxweyne ay kulmeen wax ka badan afar jeer, si toosna ahna uga wada hadleen qaddiyadda cunaqabataynta.
Lama ogga waxa ay Kenya qoonsatay, balse Maraykanka ayaa la rumeysanyahay in uu ka xumaaday in Soomaaliya dhowaan cod siisay dalka Sucuudiga kadib qadiyad ay labada dal isku qabteen.
Sida ay wararku sheegayaan, welwelka ugu weyn ee laga qabay qaadista cunaqabataynta hubka ayaa ahayd qorshaha dowladda ee hubeynta beelaha, taas oo shaki weyn laga qabo halka ay ku biyo shuban doonto marka laga soo jeedsado dagaalka Al-Shabaab iyo hubkaasi halista uu gobolka u keeni doono.
Si kastaba ha ahaatee, coddeynta Golaha Ammaanka ayaa ka dhigan in uu fashil kusoo dhamaaday cutub ka mid ah dublamaasiyadda dowladda federaalka oo hadda ay tahay in dedaalkeeda ay dhinac kale u jiheyso. Xasan Sheekh ayaa ololaha wuxuu ku galay hal-ku-dheg ah "Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah" taasoo loo arkayay mid uu ku doonayay in uu kusoo jiito saaxiibadda caalamiga ah ee Soomaaliya.
GAROWE ONLINE