Falanqeeye Shiinees ah: Suudaan waxay ku socotaa jidkii Soomaaliya

Image
Qalalaasaha ka taagan Suudaan ayaa galaaftay nolosha in ka badan 500 ruux, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​300,000 qof.

DOOXA, Qadar - Qalalaasaha ka taagan Suudaan, oo billowday 15-kii bishii lasoo dhaafay Abriil, ayaa galaaftay nolosha in ka badan 500 oo qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​300,000 qof muddo saddex toddobaad oo keliya.

Isku-dhacan ayaa qarxay kadib markii ay isku-dhaceen ciidamo iska-soo-horjeeda oo kala taabacsan Jeneraalka milatariga ah ee Abdel Fattah Al-Burhan iyo horjoogaha maleyshiyaadka ah ee Maxamed Xamdan Dagalo.

Wadamada dariska la ah Sudan, Carabta, Bariga Dhexe, iyo reer galbeedka ayaa ku baaqay joojinta dagaalka. Balse, falanqeeyayaal badan waxay ka digayaan in haddii tani lagu guuldareyso waxyeeleyneyso gobolka.

"Burburka Suudaan wuxuu u horseedi karaa rabshado badan oo gobolka oo dhan ah oo ay sababaan qulqulka hubka sida Liibiya iyo Soomaaliya," ayuu Kai Xue, oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha Afrikaan ah oo fadhigiisu yahay Beijing, u sheegay Arab News.

Liibiya oo "dhoofisay" hub iyo rasaas

Liibiya, oo jihada Koonfur-bari xuduudda kala wadaagta Suudaan iyo Soomaaliya oo ku taal Geeska Afrika, ayaa ah laba dal oo mar walba loosoo qaato tusaale marka la doonayo in la muujiyo saameynta xun ee sida colaadaha sokeeye ee daba dheeraaday u gelin karaan waddamada Afrika rabshado qallafsan oo waxyeello u geysta caalamka.

Dalka Liibiya, markii uu xukunka laga tuuray kaligii taliyihii hore ee Mucamar Qadaafi sanadkii 2011, hubka ayaa si xawli ah ugu fiday guud ahaan waddankan, waxa uuna u gacan-galay kooxo badan oo dagaal ugu jira loolan awoodeed oo aan dhamaad lahayn.

Hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa ee aan la xakameynin ayaa sii hurinaya colaadda Liibiya waxayna sidoo kale saameyn xasilooni darro ah ku abuurtay guud ahaan gobolka oo dhan.

Dalalka jaarka la ah Liibiya sida Chad, Niger iyo Sudan, ayaa la-daalaa-dhacaya sidii ay u joojin lahaayeen ku-takri-fal awoodeed, kooxo maleyshiyaad ah iyo ka ganacsiga sharci daradda ah ee hubka.

Soomaaliya oo "sariftey" Al-Shabaab

Dagaal sokeeye oo dhalay burbur dawladnimo iyo maleyshiyaad hubeysan iskana soo horjeeda ayaa Soomaaliya u badalay furin dagaal iyo goob ay isku-uruursadaan kooxaha argagixisadda ah.

"Leexinta iyo ka ganacsiga hubka fudud ayaa sabab u ah colaadaha Soomaalida ee ilaa maanta socda," ayuu yiri wargeyska Arab News oo fadhigiisu yahay magaalada Riyadh ee Sacuudi Carabiya.

Hubka iyo walxaha qarxa ee la galiyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay saameyn weyn ku yeesheen dalalka dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya kuwaasoo ku qasbanaadey in ay qeyb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa labada dal - Kenya iyo Itoobiya - ka geysatay weeraro lagu hoobtay oo ay adeegsadaan hubka laga soo geliyo Soomaaliya.

Masiibo bini’aadantinimo soo fool leh

Falanqeeyayaasha Afrika ayaa sheegaya in haddii cashar laga baranayo Soomaaliya iyo Liibiya ay tahay in cawaaqib-xumada iska-hor-imaadka Suudaan aysan ku koobnaan doonin dalkan balse sii faafi doonan.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay masiibo bini’aadantinimo oo soo fool leh oo ka dhalatay dagaalka, iyadoo sheegtay in 800,000 oo qof la filayo inay dalka ka qaxaan.

"Dhibaatada sii kordhinaysa waa xaqiiqda ah in Suudaan lafteedu ay horeba hoy u tahay in ka badan 1 milyan oo qaxooti ah iyo 3 milyan oo qof oo gudaha ku barakacay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan UN-ka.

Wadamada dariska la ah Sudan ee saboolka ah ayaa horey u martigaliyay qaxooti badan waxaana sanado badan ku habsaday qalalaase siyaasadeed iyo dhaqaale si lamid ah masiibooyinka dabiiciga ah sidda fatahaadaha iyo abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM