Isbar-bar-dhigga dhulalka ay Xasan Sheekh iyo Erdogan kala bedesheen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxay ku taallaa dhul-xeebeed, waxayna ku fadhisaa in ka badan 61,000 sqm.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay dhulka muddo xileedkiisii koowaad gaar ahaan sanadkii 2015. Waxaa lagu dhisay $65 million.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay ku taalla goob diblomaasiyadeed, Incek, Ankara, waxay ku fadhisaa dhul dhan 3,000 illaa 4,918 sqm.

Dhismaha waxaa ku bixi doono wax ka badan $6 million, sidda laga soo xirgtay warbaahinta Turkida.

Dhulka la siiyay Soomaaliya dood badan ayay ka abuurtay Turkiga, waxaana wargeyska Sozcu uu cinwaan uga dhigay warbixin uu ka qoray: "Jacaylka Soomaaliya waxba nooma badbaadin".

Labada dowladood waxay heshiis ku galeen 2022 inay is-waydaarsadaan dhulka iyo waxyaabo kale, waxaana la filayaa in arinta dhulka safaaradda la siiyay Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Koonfur Galbeed: Khatar sii fidaysa iyo mas’uuliyadda siyaasadeed ee Madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Waxa hadda ka dhacaya Baydhabo waxay soo celinayaan xusuusta dhacdooyinkii 1995-kii…

  • Faalada Warka

    19-08-2026

  • 02:41AM

Faallo: Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa dowladnimo oo ku kooban deegaanno gaar ah

Sida falanqeeyaasha siyaasadu qabaan, nidaamka doorashada ee kooxdu doonayso…

  • Faalada Warka

    17-08-2026

  • 07:41PM