Kooxda AS oo "ka faa'iideysatay" dabaca furimaha dagaalka

Image
Kooxda hubeysan ayaa weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ku gashay SYL Hotel ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerarka ay Al-Shabaab ku gashay SYL Hotel ayaa u muuqda mid ay kooxda hubeysan kaga faa'iideysatay "dabaca ka jira furimaha dagaalka," sidda uu sheegay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa waxa uu cambaareeyay "weerarkan argagixiso," isaga oo ku baaqay in mudnaanta la siiyo "dagaalka cadowga".

"Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada AS ku qaaday Hotel SYL. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, una booga-dhayo inta dhaawaca ah," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu raaciyay: "Argagaxisadu waa cadow diin, dad, dal iyo dawlad. Ramadaan oo ah bishii quraanku soo degey ayey dad Muslim ah oo maanta oo idil soomanaa, salaad taraawiix ahna u taagnaa weerar ku qaadeen".

"Muqdisho in muddo ah ayey ka raysatay weerarradooda, waxaase muuqata in ay fursad ka heleen dabaca ka jira farumaha dagaalka," ayuu hoosta ka xariiqay mudanaha.

Siyaasiga ayaa hadalkiisa waxa uu kusoo gabagabeeyay: "Waa in mudnaanta la isugu geeyo dagaalka cadawga, dibna la iskaga dhigo waxkasta oo qaybsanaan iyo habacsanaan keeni kara".

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli nabad-gelyadda caasimadda ay sugneyd dhowrkii bilood lasoo dhaafay. Balse, falkan wuxuu imaanayaa iyadda oo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhashay dastuurka.

SYL Hotel ayaa kamid ah meelaha ay aadka u degan yihiin mudaneyaasha baarlamaanka federaalka gaar ahaan xubnaha kasoo horjeeda furitaanka Dastuurka, waxaana qaarkood soo gaarey dhaawacyo fudud oo laga daaweynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Koonfur Galbeed: Khatar sii fidaysa iyo mas’uuliyadda siyaasadeed ee Madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Waxa hadda ka dhacaya Baydhabo waxay soo celinayaan xusuusta dhacdooyinkii 1995-kii…

  • Faalada Warka

    19-08-2026

  • 02:41AM

Faallo: Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa dowladnimo oo ku kooban deegaanno gaar ah

Sida falanqeeyaasha siyaasadu qabaan, nidaamka doorashada ee kooxdu doonayso…

  • Faalada Warka

    17-08-2026

  • 07:41PM