Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya
MUQDISHO, Soomaaliya - Laba dacaayadood is-hartinaya ayaa hareeyay sannad-guuradii 2aad ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii xafiiska dib loogu doortay May 15, 2022 oo ku beegneyd Arbacadii asbuucaan.
Barnaamij Documentary ah, iyo wareysiyo gaar ah, ayaa warbaahinta dowladda waxa ay diiradda ku saartay guulaha dowladda federaalka ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo la wareegitaanka dhul ballaaran oo ay kooxdaasi ka qabsatay.
Wareysiyadda oo lagu ammaanay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xusay inuu si dhab ah u qaatay dagaalka al-Shabaab isagoo fariisin ku meel gaar ah ka sameystay jiidda hore.
Faallada warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale iftiimiyay in guullo laga gaarayo deyn cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista Ururka Bariga Afrika, iyo kuwo kale.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa arrintan ka hortagay iyaga oo is daba jooga u baahiyey warbixino muujinaya dib u dhac weyn oo ciidamada dowladda Soomaaliya kala kulmay Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin weeraradii Galcad, Cawsweyne iyo Ceel-lahelay.
Warbaahinta kooxda xagjirka ah ayaa soo bandhigtay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay madaxwayne Xasan Sheekh ay ballan qaadeen in ay al-Shabaab ciribtiri doonaan bilo gudahood balse taasi ma aysan gaarin.
Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa muuqaaladan ku baahisay barta Telegram maadaama Dowladda Soomaaliya ay xirtay barihii kale ee kooxda ay maamuleysay gaar ahaan Facebook iyo website-yadda.
Sikastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa ku suntan khatarta ugu weyn ee Amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika waxaana ciribtirka maleyshiyada ay hadafka koowaad u ahayd madaxdii talada isaga kala dambeysay.
GAROWE ONLINE