"Maalmihii wacnaa" ee Xasan iyo Laftagareen oo dhamaad ku dhow

Image
Xiriirka Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya ayaa qunyar-socod ahaa ku dhowaad labadii sano lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay qorshaha dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ciidamada Itoobiya dalka looga saaro dhamaadka sanadka 2024-ka, markaasoo howlgalka AMISOM uu si rasmi ah u dhamaanayo bisha December loona badlai doono howlgal kale.

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka ayaa barteeda X (Ex-Twitter) ku sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shaqsiyaadka ku marin habaabinaya shaqada ay Ciidamada Itoobiya ka hayaan deegaanada Maamulkaas.

“Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka ATMIS-ka waxay haayaan howl adag, waan uga mahadcelineynaa sida ay uga qeyb qaateen howlgalka nabad ilaalinta, wayna sii joogi doonaan, kaalintoodana way ka qaadan doonaan” ayay tiri Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa Sabtidii sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan u qaadan karin Itoobiya inay gacan ka siiso horumarinta nabadda iyo ammaanka gobolka, ilaa iyo inta Itoobiya ay ku xad-gudbeyso madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamo cusub oo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Burundi ay imaan doonaan Soomaaliya marka ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka baxaan Soomaaliya.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala dalka marka uu dhamaado howlgalka ATMIS-ka.

Siyaasiyiin taabacsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa qorshaha Villa Soomaaliya waxa ay ku tilmaameen mid loona dan leeyahay in looga takhaluso xilheynta madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Laftagareen iyo Villa Soomaaliya ayaa xiriirkooda uu si weyn hoos ugu dhacay ka gadaal markii ay isku-maan-dhaafeen qaabka loo maamulayo doorashadda madaxtinimada maamulkaas.

Mucaaradka Koonfur Galbeed oo fadhigoodu badi yahay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa dhankooda waxa ay soo dhaweeyeen qorshah Villa Soomaaliya wallow codkooda uusan xoogneyn.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn u xumaaday tan iyo 1-dii Janaayo markaasoo Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay gasho badda iyo saldhig milatari oo ay ku beddesho aqoonsiga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM