Mareykanka oo $2.5 bilyan ku bixiyey Soomaaliya tan iyo 2007-dii

Image
Xukuumadda Washington ayaa maalgelisey, tababartay, isla markaana qalabeynaysaa ciidamadda kumaandooska Danab.

NEW YORK, USA - Mareykanka ayaa Soomaaliya in ka badan 2.5 bilyan oo doolar ku kharash-gareeyay la dagaalanka argagixisada Soomaaliya tan iyo 2007-dii, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Fakọọlá Ànúolúwapọ Sóyemí.

Fakọọlá Ànúolúwapọ Sóyemí waa bare culuumta falsafada siyaasadda guud ka bixisa qeybta Blavatnik School of Government ee Jaamacadda caanka ah ee Oxford.

Tirokoobkaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku jiraan kaalmada Wasaaradda Arrimaha Dibadda laakiin kharash yar oo ay bixiso Pentagon-ka iyadoo aan wax xog ah aan laga helin waaxda mukhaabaraadka.

"Lacag sax ah oo uu Maraykanku ku kharash gareeyay la dagaalanka argigixisada Soomaaliya lama garanayo, waxayna u badan tahay inaan la ogaan karin," ayay Sóyemí hadalkeeda sii raacisay.

Sarkaal ka tirsan Kongareeska oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay Sóyemí in kharashka ku baxaya howlgalada ciidamada Mareykanka ay ka wadaan Soomaaliya ay ku jiraan dayactirka gaadiidka ciidamada Mareykanka, iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

"Waxaa intaas wehlisa dhaqaalaha uu Mareykanka ku taageero ciidamadda gaarka ah ee Puntland iyo kuwa Danab. Saraakiisha Ameerikaanka aad uma ogo macluumaadka lacagta xataa Kongareeska. Waxaa loo baahan yahay daahfurnaan," ayuu ku daray.

Xukuumadda Washington ayaa maalgelisey, tababartay, isla markaana qalabeynaysaa ciidamadda kumaandooska Danab ee sidda gaarka ah loo carbiyey ilaa sanadkii 2011.

Dukumentiyo gaar ah oo ay heshay The Intercept ayaa muujinaya in Maraykanku uu ciidanka siiyo rasaas, agab hub ah, dareeska, kabaha dagaalka, iyo agab kale oo muhiim ah.

Sannadkii 2017, 38-jir ka tirsanaa ciidamadda howlgaladda gaarka ah Mareykanka, Kyle Milliken, ayaa la dilay intii lagu jiray "talo-bixin, caawin, iyo wehel" uu kula socdey qeybta howlgalka ciidanka Danab.

Bishii la soo dhaafay, General Michael Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, waxa uu tilmaamay dadaalka Maraykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka Argagaxisada.

"Waxaan ku taageereynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ololahan socda ee lagu carqaladeynayo howlgallada argagixisada ee Soomaaliya," ayuu ku yiri shir uu la yeeshay warbaahinta maxaliga ah oo warsidaha Garowe Online kamid yahay.

Langley ayaa waxa uu intaas kusii daray: “Sidaas darteed waxaan ka caawineynaa [Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud] inuu wax ka qabto istaraatiijiyaddiisa adag ee amniga anagoo dhiseynaa tayada ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Danab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM