Qaabka loo duufsadey dhalinta DF ku daabushay Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cali Jaamac Dhoodi wuxuu ku fekerayay in wiilkiisa uu ilaaliye amni ka yahay Qadar kana caawinayo u diyaar-garowga tartanka kubada cagta aduunka ee sanadka dambe. Kadib maalin kamid ah bishii April ee lasoo dhaafay, mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa u keenay tobban kun doolar-ka Mareykanka ah oo cadaan ah.

Saraakiishaas ayaa Jaamac ku wargeliyey geerida wiilkiisa – ma ahan in uu ku geeriyooday Qatar, balse waa Eritrea, oo ah mid kamid ah wadamadda adag tahay in macluumaad laga helo guud ahaan caalamka oo dhan.

"Sawir ay WhatsApp kasoo saareen ayay i tusiyeen waxayna i waydiiyeen 'miyaad garaneysaa sawirkan iyo magaciisa oo dhameystiran? Waxaan ku iri 'haa waa wiilkeyga'" ayuu Dhoodi oo 48-jir ah u sheegay Reuters. "Waxay igu dhaheen 'wiilkaaga wuu geeriyooday'. Waan ilmeeyay".

Sidda ku xusan warbixinta wakaaladda wararka Reuters, saraakiisha NISA ayaa Dhoodi siiyey lacag una sheegay in uusan waydiin su'aallo.

Wiilka Dhoodi wuxuu kamid yahay saddex dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo qoysaskooda u sheegeen Reuters in ay dowladda federaalka Soomaaliya u sheegtay in ay shaqooyin ka helayaan Qatar, balse ay ku daahsooneyd Eritrea halkaasoo loogu diray in ay ku gutaan waajibaad milatari oo kasoo horjeeda filashooda. Laba qoys kale waxay tibaaxeen in caruurtooda ay si fudud ku waayeen.

Qorshahan u muuqda mid si qarsoodi ah loogu qoray dhalinyarada Soomaaliya in ay ka dagaalamaan Eritrea ayaa caro xoogan ka buuray Soomaaliya oo ah dal sabool ah oo fursadaha dibada dadka aad ugu baahan yihiin. Todobaadkii hore, banaanbax ayaa ka bilowday caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Guriceel kuwaas oo lagu dalbanayo in la caddeeyo masiirka da'yarta aan la aqoon meel ay cirib iyo jaan dhigeen.

Wararka ayaa jira oo sheegaya in ciidamo Eritrea u dhashay ay ka qeybgaleen dagaaladii November, 2020 ka qarxay waqoyga Itoobiya – balse labada waddan way beeniyeen – hasa ahaatee, waxay haatan walaac ku abuurayaan qoysaska Soomaalida ah ee wiilashooda ay ka maqan yihiin.

Markii la waydiiyey hadii Eritrea ay askar ahaan u qoratay dhalinyaro Soomaali ah ama ay u dirtay Itoobiya, wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa Reuters u sheegay: "Waa wax lagu qoslo. Waxaa jira marin-habaabino xoogan oo wareegaya".

Afhayeenka dowladda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim, iyo wasiirka warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaan ka jawaabin dalab ku aadan in ay ka hadlaan doorka dowladda federaalka ee qorida dhalinyaradaas, balse Ibraahim wuxuu ku adkeystay in aysan jirin Soomaali loo diray Ethiopia.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa aad isugu dhowaa tan iyo 2018-kii kadib markii isbedel u uku dhacay hogaanka Itoobiya. Ethiopia iyo Eritrea oo mar cadow isku ahaa, ayaa kala saxiixdey heshiis nabadeed ayaga oo si joogto ah isku-dhaafsaday booqashooyin heerkoodu sareeyo. Soomaaliya – oo mar Eritrea ku eedeysay taageerada falaagooyin Islaami ah – waxay haatan lala leedahay xiriir saaxiibtinimo.

"Jawaabta waa xabad"

Xuseen Warsame wuxuu sheegay in wiilkiisa Sadam oo 21 jir ah loo qortay shaqo xagga amniga ah lagana qabanayo Qatar bishii Oktoobar, 2019. Isma maqal wax ka badan hal sano. Ugu dambeyntiina, Bishii November ee la soo dhaafay, waxaa laga soo wacay waddanka Eritrea.

“Dhammaanteen waan la yaabnay markii aan ka degnay Eritrea. Waxaan u maleynay in nala geynayo Qatar," ayuu ka soo xigtay wiilkiisa. "Aabbe, nolol kama jirto halkan, tan iyo markii aan ka tegey Soomaaliya sanadkii 2019 ma aanan arag cunto aan ku dhergay ama gabal rooti ah; markii dhalinyarada lasoo qortey ay gadoodaan ama ay muujiyaan diidmo jawaabta waa xabad".

Sahra Cabdiqaadir, oo wiilkeeda Caaqil Xasan Cabdi lagu waayey sanadkii 2019 duruufo la mid ah tan haysata qoysaska kale, waxay u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters inuu soo wacay bishii Janaayo una sheegay inuu ku sugan yahay xero ku taal meel aan la garanayn oo ku taal Eritrea.

Eritrea waaa dal milatariga ku xoogan yahay, aan wali doorasho laga qaban, lahayna warbaahin madax-banaan isla markaana shacabkiisu yihiin ciidamadda. Isaias Afwerki, oo ah hogaamiye hore oo ku xeel-dheer dagaalka jabhadeynta, ayaa hogaaminaya waddankan tan iyo 1993-dii.

Soomaaliya ayaa leh dowlad dhexe oo awoodaheeda ay xadidan yihiin tan iyo 1991, waqtigaas oo dalka ka dhaceen dagaalo sokeeye.

Labadan dal – Soomaaliya iyo Eritrea – ayaa safxadaha taariikhda Geeska Afrika waxaa ugu dhigan in ay colaado oo jireen ah kala dhaxeysay deriskooda waddanka ka dadka badan ee Itoobiya.

Falanqeeye amniga gobolka oo codsaday in aan lasoo bandhigin magaciisa ayaa u sheegay Reuters in uu ku ogaadey wadahadalo uu la yeeshay saraakiisha amniga ee Soomaaliya in ilaa 1,000 qof oo Soomaali ah la askareeyay laguna geeyay Eritrea - ugu yaraan saddex guuto.

Hal guuto ayaa ku soo laabatay Soomaaliya, guutada labaad illaa haatan meel laguma sheego, halka guutadda saddexaadna ay wali ku sugan yihiin waddanka Eritrea. Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin Karin dhamaan fahfaahinada macluumaadka, halka Reuters ay dhankeeda tibaaxdey in ay awoodi wayday xaqiijin madax-banaan oo ku saabsan xogahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM