Shirka Muqdisho: Ma Ka daran dibi dhal baa mise Waan socon way-nee aan Oradno?

Image
Falcelin kala duwan ayaa laga bixiyay qoraalka uu gabagabada Kulanka ka faafiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya — War-saxaafadeed looga baaqsanayo wajigaxa Beesha Caalamka ayaa laga soo saarey Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee tan iyo 2-dii bishan ka socday magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in madaxda ay ku balantay in ay isku soo laabtaan 26-da bishan October balse lama ogga haddii ay qeyb ka noqon doonan hogaamiyeyaashii kale ee ka maqan.

Illo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Garowe Online u xaqiijiyay in madaxda dowlad-goboleedyada ku haray shirka Golaha Wadatashiga Qaran (Laftagareen, Qoorqoor, iyo Guudlaawe) ay diideen in la soo saaro warmurtiyeed ay dooneysay Villa Soomaaliya, kadib fashilkii shirka.

Madaxda maamuladan ayaa ku adkeysanaya in war-murtiyeedkaasi wax micno ah sameyn karin haddii aan Jubaland qeyb ka ahayn.

Dhanka kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu la hadlay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Sidda ay xogta tilmaameyso, Xasan Sheekh ayaa codsaday in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu dib ugu soo laabto shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC).

Warar kale ayaa tilmaamaya in Ergayga Qaramada Midoobay uu horey kulan ula yeeshay Axmed Madoobe, kaasoo ku adkeystay inuu qabsado doorashada Jubaland.

Falcelin kala duwan ayaa laga bixiyay qoraalka uu faafiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Qaarkood waxay sheegeen inuu la macno yahay “Waan socon waynee aan Oradno” halka kuwa kale ay ku qeexeen “Ka daran ee dibi dhal”.

Labada faallo ayaa tusaale u ah fashil ama burbur loo tilmaamo qaab xeeladeysan. Wallow ay calaamad su’aal ku wareegsaneyso qaabka uu u qabsoomi karo kulanka dambe haddana rajo badan lagama qabo in ay kusoo biiraan madaxda maqan.

Sikastaba ha ahaatee, haddii ay madaxda isku soo laaban weydo waxay u badan tahay in dalka uu toos u aadayo xaalad kala guur ah loona diyaar-garoobayo doorasho dadban oo ka dhacda Teendhada Afasiyooni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu isbaheysiga 2024 uga duwan yahay xulafadii 2018?

Masar iyo Eritrea ayaanan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Soomaaliya halka Itoobiya ay ciidamo badan ka joogaa gudaha waddanka.

  • Faalada Warka

    10-10-2024

  • 02:40PM

Mashruuca Xasan Sheekh: Qof iyo Cod mise Qof iyo Muddo Kororsi?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey uga dagaalamay hirgelinta doorashooyin dadwayne.

  • Faalada Warka

    04-10-2024

  • 09:07AM