Soomaaliya: Maxaa lagu qeexaa macluul, maxaa halbeeg u ah?

Image
Qaramada Midoobay ayaa saadaalisay in bishan dhexdeeda ay xaaladda abaarta Soomaaliya gaari doonto macaluul.

NAIROBI, Kenya - Ergeyga abaaraha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wax ka badan boqolkiiba 95% ay soo xaroodeen lacagihii yabooha ee abaaraha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in lacagta loo baahnaa ay ahayd $1.4 bilyan oo doolar, haddana ay soo xarootay lacag dhan $1.1 bilyan oo doolar, taas oo dabcan aadaysa hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Warsame oo la hadlay saxafiyiinta wuxuu intaasi ku daray in dadkii abaaraha saameeyeen ay tiro ahaan gaarayaan 7.8 milyan, haddana wax la gaarsiiyay 6.5 milyan oo qof.

Sidaas oo ay tahay weli waxaa laga cabsi qabaa in ay dalka macaluul ka dilaacdo, mana jiraan astaamo ku filan oo muujinaya in aysan taasi dhici doonin.

Halbeegga Macaluusha

Qaramada Midoobay waxa ay horey u saadaalisay in bishani Nofeembar dhexdeeda ay xaaladda abaarta gaari doonto Macaluul haddii aanan wax laga qabanin arrimaha taagnaa markaasi.

Caadi ahaan halbeegga Macaluusha ee Qaramada Midoobay waa in 10 kii kun oo qof oo meel degenba ay 2 ka mid ah gaajo u dhintaan maalin kasta iyo in seddexdii carruurba uu midkood yahay mid nafaqo darro saa'id ah haysato.

Qaramada Midoobay waxa ay qabtaa in weli xaaladda Soomaaliya aysan halkaasi gaarin, balse Ergeyga abaaraha waxa uu qabaa in loo baahanyahay dedaal dheeraad ah si xaaladda loo xasiliyo.

Khubarada iyo saraakiisha dowladda ayaa Beesha Caalamka ku dhalliilay in ay ka gaabinayaan gargaarka, ayna ku xirayaan gargaarka inta ay Macaluul ka dilaacayso ama abaarta ay gaarayso heerka ay iyaga u aqoonsanyihiin Macaluul een kor kusoo xusnay.

Ka shaqeynta xal waara

Dooddu waxa ay tahay in haddii heerkaasi la gaaro ay adagtahay in dad badan la badbaadiyo ama uu gargaarka waxtar yeesho, sidaasi darteed in laga shaqeeyo in marka horeba aysan macaluul dhicin.

Dadka uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa ay qabaan in beesha Caalamka ay Soomaaliya kala shaqayso xal waara, oo aysan keliya ku mashquulin gargaarka hadda taagan.

Waxa kale oo ay qabaan in ay Soomaaliya dhibbane u tahay isbadelka cimilada adduunka oo la sheegay in ay masuul ka yihiin dalalka horumaray ee hawada wasaqeeya, sidaasi darteed na ay dalalka faqriga ah helaan magdhow ay kaga soo kabtaan dhibaatadii gaartay.

Arrinkan waxaa dhowaan qirey xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, wuxuuna sheegay in dhibka Soomaaliya haysta uusan ahayn mid ay iyaga gacantooda ku geysteen. Dadkii masuulka ka ahaana ay ku daawanayaan dhibaatada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM