Villa Somalia waa muraayad ay dadka oo dhan iska dhex arkaan

Image

FAALADA WARARKA| Waa bugcadda dhul ahaan ugu sareysa magaalada caasimadda ah ee Xamar, waxaana loo yaqaanaa Buurta, halkaas oo marka aad taagantahay aad ay magaalada oo dhami hoostaada imanayso. Si taasi la mid ah dadka oo dhami waa meel ay kor u eegaan.

Barasaabkii hore ee Talyaaniga ee xukumi jiray magaalada, wakiilkana ka ahaa dowladdii gumeystaha ee Talyaaniga ayaa gurigani dhisay, islamarkaasna degenaan jiray, waxaana laga dhaxlay markii dalka uu xornimada qaatay. Wixii markaasi ka dambeeyay waxa ay saldhig u ahayd dhammaan madaxweynayaashii dalka soo maray marka laga reebo Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marka laga tago tilmaamahaas joqoraafiga iyo taariikhda ah ee la taaban karo, lagana yaabo in aysan micno saas u weyn ku fadhinin, Villa Somalia waxa ay xambaarsantahay mug iyo miisaan aad u weyn oo gaarsiisan illaa heer ay taabanayso gobonimada, madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Barigii hore war saxaafadeedyada iyo dikreetooyinka kasoo baxa madaxtooyada waxaa lagu soo daabici jirey Faafinta Rasmiga ah, taas oo soo mari jirtay Madbacadda Qaranka, kadibna lagu faafin jirey Wargayska Afka Dowladda ku Hadla iyo Raadiyoow Muqdishoow. Wuxuu ahaa hannaan dheelitiran oo soo mara faaf-reeb xooggan, waxaana aad u yaraa qaladaadka dhici kara.

Balse hadda adduunyadan casriga ah madaxtooyadda waxa ay leedahay dhegelo internet-ka ah , gaar ahaan Baraha Bulshada, kuwaasi oo si dhaqso leh loogu soo daaboco farriimaha madaxweynaha iyo dhaqdhaqaaqyadiisa hawleed.

Tan iyo intii uu yimid madaxweynaha Cusub Xasan Sheekh Maxamuud waxay dadka aad uga falceliyeen deelqaaf badan oo kasoo muuqday Baraha Bulshada ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan Facebook iyo Twitter. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dad badan ka filayaan, kuna doorteen mas’uuliyadiisa dowladnimo, aqoonta uu u leeyahay hoggaaminta, ayaa galaya khaanad ka duwan tan laga yaabo in la geliyo madaxweynihii isaga ka horeeyay marka ay timaado in la is barbar dhigo.

Qoraalada lasoo dhigayo boggagani waa in ay noqdaan kuwa laga dhawrey nooc kasta oo laaxin ah, haddii ay ahaan lahayd mid dhinaca Farta ah, Afka ah, ama xitaa fahamka ah.

Waxaa si weyn loogu eedeeyay maamulayaasha warfaafinta madaxtooyada in ay weli dacalka sii haystaan xarigii ololaha,  welina aysan ka dhaadhicin in muxaafad iyo mucaaradba ay madaxtooyada matesho, tahayna in dareenkooda ay illaaliso.

Waa wax aanan laga filanaynin madaxtooyada in laga dhedhemiyo dhaqanka Guulwadeynta iyo Durbaan-Tumista , taasi badelekeed waxaa laga dhawrayaa xirfadyahanimo iyo shaqo hufan oo ah in keliya ay dadweynaha lasoo wadaagaan wixii dhacay iyo farriimaha madaxweynaha si aysan buunbuunin ku jirin.

Waxaa jira hab la isla yaqaano oo caalami ah oo loo qoro war saxaafadeedyada iyo dikreetooyinka, wixii intaasi ka baxsana waxa ay noqonayaan guulwadayn macno tiraya miisaanka Villada.

Waxaa laga yaabaa waxa aan hadda arkayno in ay yihiin cilladaha ay leedahay in kooxdii ololaha doorashada loo dhiibo shaqooyinka muhiimka ah ee madaxtooyada guusha kadib, halkii shaqooyinka xasaasiga ah loo qaadan lahaa dad yaqaana oo haddana aysan ku jirin caadifad uun noocay doontaba ha ahaatee.

Waa laga yaabaa in dadka hadda shaqada loo qaatay ay yihiin kuwii saxda ahaa, balse waxyaabaha hadda muuqda waxa ay tilmaamayaan jiho kale, waxayna u baahan tahay in la saxo iyadoo aan loo arkin toosinta mid khatar ku ah maamulka cusub ee Villa Somalia. 

©GAROWE ONLINE 

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM