Soobe labaad: Muqdisho oo la kulantey taariikh kale madow

Image
Ugu yaraan 100 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qaraxyada Muqdisho kuna dhaawacmeen 300 kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 300 kale way ku dhaawacmeen qaraxyadii Soobe, sidda uu xaqiijiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo tagay meesha ay wax ka dhaceen.

"Khasaaraha ayay u badan tahay in uu intaas kasii bato," ayay warbaahinta dowladda kasoo xigatay Xasan Sheekh. "Waan ka adkaanaynaa argagixisadda waana ka adkaanay," ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sida laga soo xigtey Xasan Sheekh oo sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal ah, xasuuqan ayaa wuxuu lamid yahay qaraxii loo adeegsadey gaariga xamuulka ee October, 17, 2017 ka dhacay isla isgoyska Soobe.

"Waxa dhacay waa Soobe Labaad," ayuu tibaaxay isaga oo taagan dhabarka dambe ee dhismeyaasha ku burburay weerarkan. "Maxay qiil ah oo ay haystaan dadka xasuuqay shacabka aan waxba galabsan," ayuu is-waydiiyey.

Madaxweynaha ayaa faray xukuumadda federaalka ah in ay gurmad degdeg ah u fidiso dhaawacyadda, isaga oo xusay in dowladiisa ay kafaalo-qaadeyso agoonta iyo rajadda weerarkan gaar ahaan dhanka waxbarashadda.

Dadka ku nafwaayay weerarkan waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo ka tirsanaa Telefishinka maxaliga ah ee M24 Somali Tv kaasoo u tagay goobta qaraxa in uu kasoo waramo.

Muuqaal qabsadey baraha bulshadda ayaa sidoo kale wuxuu muujiyey askari ka tirsan ciidamadda dowladda oo xambaarsan ilmo yar kaasoo in uu kasoo kor-qaadey hooyadiis oo dhimatay.

"Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda," ayuu Xasan Sheekh xusay.

Weerarkan ayaa dhacay xilli madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ay ka shirayeen la dagaalanka xagjirnimada, gaar ahaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo inta badan beegsata caasimadda.

Sidoo kale, wuxuu weerarkan yimid shan sano kadib markii qarax kale oo weyn oo isla goobtaas ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan kun kale dad rayid ah kuna jiraan haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM