Xamse oo soo bandhigay lix khatar uu soo afjarayo heshiiska Turkiga

Image
Heshiiskan waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaca aheyd ansixiyay heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee Turkiga.

Sida uu dhigayo heshiiska, Turkigu wuxuu dhisi doonaa, tababari doonaa, qalabayn doonaa ciidamada badda Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sidoo kale kor u qaadaya khayraadka badda iyo dhaqaalaha buluuga ah.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisku meesha ka saarayo "cabsi kasta oo laga qabo argagixisanimada, budhcad-badeedda, kalluumaysiga sharci darrada ah, sunta lagu daadiyo iyo xadgudub kasta ama khatar kasta oo dibadda ah" oo ku wajahan badda Soomaaliya.

Xamse oo kasoo muuqdey shirka Golaha Wasiiradda ayaa ku tilmaamay Turkiga "walaal run ah oo la isku halayn karo."

"Marka ay khatar soo wajahdo, Soomaaliya kaligeed ma aha oo ma aha walaal la'aan," ayuu yiri Xamse.

Heshiiskan ayaa Turkiga lagu kala saxiixday 8-dii February.

Waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii bishii hore ay heshiis is afgarad ah kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Is-fahamkaas ayaa Soomaaliya ku tilmaamtay xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo madax-banaanideeda dhuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Koonfur Galbeed: Khatar sii fidaysa iyo mas’uuliyadda siyaasadeed ee Madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Waxa hadda ka dhacaya Baydhabo waxay soo celinayaan xusuusta dhacdooyinkii 1995-kii…

  • Faalada Warka

    19-08-2026

  • 02:41AM

Faallo: Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa dowladnimo oo ku kooban deegaanno gaar ah

Sida falanqeeyaasha siyaasadu qabaan, nidaamka doorashada ee kooxdu doonayso…

  • Faalada Warka

    17-08-2026

  • 07:41PM