Xasan Sheekh iyo Amiirka Al-Shabaab oo jeediyay khudbado is-hartinaya
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin muuqaal ah oo laga soo duubay munaasabadda Ciidda Carafo ayaa ugu baaqay Soomaalida inay is cafiyaan. Wuxuu ku booriyay dadka wax haysta inay gacan u fidiyaan dadka masaakiinta ah
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhalinyarada “la qalday” ee Al-Shabaab in ay dib uga soo laabtaan wadada ay marayeen. "U soo noqda dadkiinii iyo dalkiinii, ma lihid dal kale iyo dad kale," ayuu yiri. "Qorraxdu way kasii dhacaysaa Khawaarijta," ayuu ku daray.
Khudbadda oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayuu Xasan Sheekh ku booriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku dhiirigeliyaan dhalinyarada inay kasoo laabtaan Al-Shabaab.
“Dhallinyarada niyad jabsan, ee sida qaldan loogu wargeliyay in haddii ay soo laabtaan la dili doono... haddii ay cafis weydiisataan waa lagu cafinayaa, dowladduna waxay ku dadaali doontaa sidii ay nolol idiinku abuuri lahayd,” ayuu yiri.
Hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay maaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirtay marxalad adag, balse hadda ay u socoto horumar iyo horumar.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Al-Shabaab, Abuu Cubeyda, ayaa dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ku eedeeyay shisheeyaha iyo siyaasiyiinta waqti-xaadirkan xilalka haysa.
Wuxuu khudbadiisa ku sheegay in Al-Shabaab ay 30-sano la dagaalamayeen Mareykanka. Waxa uu sheegay in 17-kii sano ee ciidamada Midowga Afrika ay dalka ka howlgalayeen in Mareykanka iyo xulafada Midowga Afrika aysan ku guuleysan in la dhiso "nooca dowladda ay rabeen".
"Mareykanku wuxuu ku guuldareystay inuu ka dhiso nooca dawladeed ee uu ka rabay Soomaaliya," ayuu yidhi. "Muddo kordhin kasta oo ATMIS ah waxay ku dhamaan doontaa guul darro".
Wuxuu isbarbar dhig ku sameeyay weeraradii dagaalyahannada maxalliga ah iyo ciidamada dowladda ee billowday 2022-kii iyo baraaruga Sunniga Ciraaq ee uu Mareykanku taageero. Wuxuu yiri: "Dhammaan shirqooladii ka dhanka ahaa al-Shabaab ay fashilmeen".
"Laba sano ka dib, isla weynidooda waxaa lagu jabiyay furimaha dagaalka," ayuu yiri Abuu Cubeyda. Wuxuu dhaliilay heshiisyada ay dowladda Soomaaliya ay la gashay US, UK, Turkey, UAE, Kenya, Ethiopia, Uganda; iyo sidoo kale heshiisyada deyn cafinta ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
"Heshiis kastaa waa sharci-darro, lamana fulin doono," ayuu yidhi. Wuxuu u sheegay dagaalameyaasha Al-Shabaab inay il gaar ah ku eegaan Imaaraadka oo uu ku eedeeyay dagaalka Suudaan.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay sii wadi doonaan dagaalka inta ciidamada shisheeye ay dalka ka baxayaan. Waxa kale oo uu ku celiyay in AlShabaab ay “diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan heshiiskii ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland.
Wuxuu ku andacooday in Al-Shabaab ay xarumo tababar u fureen “kuwa doonaya in ay difaacaan Soomaaliya". Waxa uu dhaleeceeyay tillaabadii muranka dhaliyay ee dawladda Soomaaliya bishii hore qaaday markii dublamaasiyiinteeda Qaramada Midoobay u codayn waayeen qaraarkii xasuuqii Srebrenica.
"Waxay garab istaageen Serbian ee xasuuqay muslimiinta waxayna ku dhiiradeen inay ka codeeyaan muslimiinta Bosnia," ayuu Abuu Cubeyda ku yiri cod laga soo duubay oo lagu baahiyay dhamaan warbaahinta internet-ka ee taageerta maleyshiyadda Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE