Xasan Sheekh v Fowziya Xaaji: Labo jeer oo "laga hiiliyay" dan qaran
MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxa Soomaaliya ee xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya iyo madaxda afarta maamul goboleed ay ku cadaadinayaan in ay ka tanaasusho musharaxnimadeeda kadib codsi uga yimid madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Fowsiya Yuusuf Aadam ayaa xustay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sidaan oo kale ka reebay tartanka Kursiga madaxa Midowga Afrika ee 2016-ka. "Laba jeer ayaa la ii diiday guddoomiyenimada Midowga Afrika, ma garanayo in la ii takoorayo haweenimada iyo in ay jiraan sababo kale qarsoon," ayay tiri.
Musharaxnimada Fowsiya ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Febraayo 2024, iyadda oo la tartamaysa Raila Odinga oo kasoo jeeda waddanka Kenya. Dalabkeeda waxaa taageeray baarlamaanka si loo xoojiyo saamaynta Soomaaliya ee Midowga Afrika.
Bishii Maarso, dowladda Soomaaliya ayaa billowday dadaallo olole, waxayna sameysay guddi gaar ah oo taageera ololaheeda, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay xaqiijinta jagadan saameynta leh.
Inkastoo shacabka ay soo bandhigeen taageeradooda, haddana waxay ku andacoonaysaa in madaxda Soomaalida ay cadaadis kala kulmeen dalal gaar ahaan Jabuuti iyo Kenya.
Bishii May, xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Fowsiya, iyagoo sare u qaaday ololaheeda ka dhanka ah Raila Odinga. Ansixinta OIC waxay ahayd mid muhiim ah, taasoo muujinaysa taageero ballaaran oo ay ka helayaan quruumaha Islaamka oo u xaglin kara codadka iyada.
Sanadkii hore, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaleeceyn xooggan ku muteystay inuu Xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir ka hor-istaagay in ay u tartanto xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU).
Taa beddelkeeda, Xasan Sheekh waxa uu taageeray Tanzania, oo aakhirkii ku guulaysatay, taas beddelkeeda in Tanzania ay taageerto in Soomaaliya ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika iyo in ay hesho kursi kale oo Qaramada Midoobay ah.
Loolanka Kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa noqday mid aad loogu tartamo markii uu dalka Jabuuti ku soo biiray gaar ahaan Wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf bishii Abriil 2024.
Musharraxnimada Fowsiya waxa ay soo kordhisay arrimo cusub oo la xiriira dhaqdhaqaaqa gobolka, taas oo wax ka beddeshay dheelitirka awoodda iyo isbahaysiga istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.
Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo doonaya inuu adkeeyo doorka hoggaamineed ee Kenya ee siyaasadda gobolka iyo xiriirka caalamiga ah, ayaa sidoo kale door muhiim ah ka qaatay tartanka.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya, Ruto ayaa si firfircoon ugu ololaynaysay in Soomaaliya ay ka noqoto musharraxnimadeeda oo ay ugu hiiliso musharaxa Kenya, Raila Odinga. Tartanka ayaa sii xoogeystay iyadoo Seychelles ay soo gashay tartanka, taasoo ka dhigtay tartan afar geesood ah oo aad isha loogu hayo.
GAROWE ONLINE