Xifaaltanka Masar iyo Itoobiya: Cadaawad ka horeysay xorriyada Soomaaliya
QAAHIRA, Masar - Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Geeska Afrika si weyn uga taagnaa xiisado diblumaasiyadeed, iyadoo imaatinka ciidamada Masar ee Soomaaliya ay muujinayaan waxa isu bedeli kara "dagaal lasoo tarxiilay".
Xurgufta ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland iyo murankii webiga Niil ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Masar oo muddo tobanaan sano ah socday, ayaa dhammaantood gacan ka geystay xasillooni darro ku soo korodhay gobolka.
Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa digniin adag u diray wax uu ku sheegay "kuwa wada gardarada": "Qof kasta oo qorsheynaya inuu dalkan soo galo waa inuu "fekeraa 10 jeer" ka hor inta uusan sidaas samayn.
Dhanka kale, Turkiga iyo dalalka kale ee deriska ah ayaa u xusul duubaya sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen, iyadoo Jabuuti ay xitaa Itoobiya u soo bandhigtay inay gacanta ku dhigto dekedda muhiimka ah ee Tadjoura, si loo yareeyo xiisada.
Itoobiya iyo Masar: "Cadaawad soo jireen ah"
In kasta oo ay jiraan dadaalladaas, khatarta iskahorimaadka ballaaran ayaa sii kordhaya. Masar iyo Itoobiya waxay wadaagaan taariikh dheer oo murugsan.
Iyaga oo ah laba ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee madaxbannaanida Afrika iyo xubnihii aasaasay Qaramada Midoobay 1945, xiriirkooda diblomaasiyadeed ayaa soo taxnaa tobanaan sano.
Hase yeeshee, taariikhdan la wadaago waxaa ka buuxa jabo, oo ay uga sii dartay dhaqdhaqaaqyada dagaalka qabow iyo xulafada juqraafiyeed ee iska soo horjeeda.
Halka Masar ay la safatay Midowgii Soofiyeeti xilligii Camp David Accords, Itoobiya waxay la safatay Israa’iil iyo Mareykanka colaadaha Carabta iyo Israa’iil.
Xudunta xafiiltanka ku xeeran webiga Niil
Xudunta xafiiltankan waxa ku jira webiga Niil, oo ah marin nololeed oo lama huraan u ah labada ummadood. Xakamaynta Itoobiya ee mid ka mid ah marinnada aasaasiga ah ee webiga - iyo mashruucii biyo-xireenka ee dhowaan - waxay halis gelisay ammaanka biyaha Masar, taas oo culeys taariikhi ah ku soo kordhinaysa dhibaatada hadda jirta.
Xididdada cabsida Masar ayaa si qoto dheer u socota, laga soo bilaabo 1950-meeyadii markii ugu horreysay ee Itoobiya ay ku fikirtay inay dhisto biyo-xireenka.
In kasta oo ay awood u leedahay, haddana dawladihii Itoobiya ee kala dambeeyey waa ay ka gaabsadeen mashaariicdaas, iyaga oo ka feejigan in ay kiciyaan aargoosiga Masar. Sannadihii 1970-aadkii, Masar waxay ku hanjabtay inay tallaabo milateri qaadi doonto haddii Itoobiya hore u socoto.
Xataa ilaa qarnigii 21-aad, khatartu way sii jirtay, iyadoo Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Xusni Mubaarak uu sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay la dagaalanto biyo-xireen kasta oo cusub oo laga dhisayo webiga Niil.
GAROWE ONLINE