Askari hore oo qirtay shirqoolkii lagu khaarijiyay madaxweynihii Haiti
NEW YORK, United States - Askari hore oo Colombian ah ayaa qirtay dambiga ah inuu maleegayay dilkii 2021-kii ee lagu khaarijiyay madaxweynihii Haiti, Jovenel Moise kaas oo qarankan Caribbean geliyey rabshado iyo qalalaase siyaasadeed.
Mario Antonio Palacios Palacios, oo 45 jir ah, ayaa qirtay saddex eedeymo, oo ay ku jiraan shirqool dil ama afduub oo ka dhacay meel ka baxsan Mareykanka, intii lagu guda jiray dhageysi kooban oo lagu horgeeyay garsooraha federaalka Jose Martinez.
Isagoo ag fadhiya qareenkiisa, Alfredo Izaguirre, Palacios wuxuu ku jawaabay "Haa, sharaftaada," Isbaanishka markii garsooraha uu waydiiyay inuu qiranayo dembiga.
Palacios waa eedeysanaha shanaad ee kow iyo tobban kale oo maxkamada ku taalla magaaladda Miami ee dalka Mareykanka kahor qirtay dembiga dilka ee dhacay 2021.
Moise ayaa 12 xabbadood lagu toogtay isagoo joogga gurigiisa gaarka ah oo u dhow caasimadda Haiti ee Port-Au-Prince July 7, 2021. Waxa uu ahaa 53-sano jir. Xaaskiisa, Martine Moise, ayaa ku dhaawacantay weerarka.
Palacios ayaa lagu xiray Jamaica bishii Oktoobar 2021 waxaana loo duuliyay saraakiisha Federaalka ee Mareykanka waxay sheegeen inay wareysteen isaga oo weli ku dhuumanaya Jamaica.
Labadii sano ee ka dambeysay dilkii Moise, Haiti waxa ay la kulantay rabshado kooxaha burcadda ah oo aad ugu batay taas oo keentay in ra’iisul wasaaraha uu codsado in si degdeg ah loogu soo diro ciidan hubaysan oo shisheeye.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Oktoobar u codeeyay in loo diro ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso dowladda Kenya si ay gacan uga geystaan la dagaalanka kooxaha burcadda ah balse wali lama dhaqan-gelin go'aankaas.
GAROWE ONLINE