Baxreyn oo martigelisay shir lagu taageerayo madax-banaanida Soomaaliya

Image
Wafdiga matalayay dowladda federaalka waxaa hogaaminayay Wasiir Axmed Macallin Fiqi Axmed.

MANAMA, Baxreyn - Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Abdulrahman Al-Rassi, ayaa Talaadadii ka qeyb galay shirka kooxda wada shaqeynta ee heer wasiir oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Baxreyn.

Kulankan ayaa waxa uu si gaar ah ugu saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa ka hortagga weerarada ka dhanka ah madax-banaanideeda iyo wadajirka dhuleed.

Intii uu socday kulanka, kooxdu waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-xirka Carabta ee arrimaha danta guud, iyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dawladaha si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa waxaa lagu caddeeyay in dhankooda ay taageerayaan ilaalinta madax-banaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wafdiga matalayay dowladda federaalka Soomaaliya waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed.

Fiqi ayaa tiro kamid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed la yeelanaya kumo gaar-gaar ah, iyadoo la filayo in shirku ka soo baxo go'aanno lagu taageerayo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergeyga joogtada ah ee Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cabdulcasiis Al-Matar iyo agaasimaha guud ee xafiiska wasiir ku xigeenka, Mohammed Al-Shehri, iyo mas’uuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM