Burcad-badeeda Soomaaliya oo afar weerar fulisay bil gudaheeda

Image
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay meel qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi ka xigta degmadda Eyl ee Puntland.

LONDON, United Kingdom - Burcadbadeed kasoo jeeda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii afaraad ee lagu qafaashay markab marayay Badda Cas muddo bil gudaheed ah.

Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijinay warar ka soo baxay dabayaaqadii todobaadkan oo ahaa in dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen la afduubtay oo markii u dambaysay lagu arkay biyaha Soomaaliya.

Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) ayaa soo saaray war cusub oo aan hore loo xaqiijin oo sheegay in ay rumaysan yihiin in la afduubtay markab kalluumaysi oo Yemeni ah.

UKMTO waxay ka soo xiganayaan ma'suuliyiin maxalli ah in doonida kalluumeysiga ee lagu magacaabo Emerat-2 markii ugu dambeysay lagu arkay iyadoo ku sii jeedda waqooyiga xeebta Yemen.

Warbixinta ay soo saareen ayaa waxa ay ku tilmaameen doontan uu dhererkeedu yahay 58 cagood (17.7 mitir) oo leh qolof cad. Ma cadda inta qof ee la socotay.

Goobtii ugu dambeysay ee lagu arkay markabka ayaa qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi ka xigta degmadda Eyl ee Puntland kuna taal xeebta Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo ku wajahan badda Carabta.

Aagga uu falkan afduubka ugu dambeeyay ka dhacay waa isla goobtii ay weeraradii kale ee u dambeeyay ee budhcad-badeeddu ka soo bilowdeen horraantii Disembar.

Maraakiibta horey loo qafaashay ayaa mid kamid ah wuxuu ku safrayay calanka Malta. Illaa haatan, ma cadda waxa ay dalbanayaan shufta-badeeda wallow warar sheegayaan in ay doonayaan lacag madax furasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM