Caqabada ku gudban in dalalka safka hore soo galaan gulufka Al-Shabaab

Image
Qeybtan labaad ee howlgalkan ayaa xoogeeda ku wajahan maamulka Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan bilawdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyada oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud uu hogaamin doono dagaalka.

Qeybtan labaad ee howlgalkan ayaa xoogeeda ku wajahan maamulka Galmudug iyada oo aysan wali si xoog ah uga muuqan wadamada safka hore oo la filayay in ay soo kordhiyaan ciidamadooda.

La-taliyaha Amniga ee ra'iisul wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Kamaal Daahir Guutaale ayaa u sababeeyay arintaasi iyada oo lagu jiro xilli roobaad.

Guutaale ayaa afka ku balaariyay in wadamada safka hore ay ka go'an tahay dagaalka AS isla markaana ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada xooga dalka ay dadaal sameeyeen isla markaana la filayo in AS laga fara maroojiyo deegaanada wali gacantooda kusii harsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM