Dalka ay dhif tahay qabashada munaasabad Aas Qaran ah

Image
Dhacdadii ugu dambeysay, nin ayaa dab isku-qabad-siiyey si uu u muujiyo diidmo ka dhan ah maamusida ra'iisul wasaare hore.

TOKYO, Japan - Warbaahinta Japan ayaa sheegtay in nin uu isku gubay meel u dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Japan ee Tokyo sababo ku aadan qorshaha dowladda ee ah in aas qaran loo sameeyo hoggaamiyihii hore Shinzo Abe dhammaadka bishan September.

Tv-ga Asahi oo soo xiganaya illo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in shaqsigan uu dab is-qabadsiiyey saacadihii hore ee Arbacadii waxaana loo qaaday isbitaalka isaga oo uu gubtay jirkiisa oo dhan.

"Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada booliska oo isku dayay in uu damiyo dabka," ayuu raaciyey telefishinka oo aan soo bandhigin magaca ruuxan.

Wakaaladda wararka ee Kyodo ayaa intaas ku dartey in booliiska goobta looga yeeray abbaare 7-dii aroornimo (22:00 GMT) ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in nin uu "holac qabsaday".

"Warqad looga soo horjeeda aaska qaran ee Abe ayaa laga helay meel u dhow," ayay raacisay iyadda oo soo xiganaysa saraakiil dhanka ammaanka ah oo si dhow ula socda xaaladda.

Booliska, xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo xafiiska golaha wasiirada oo gabi ahaanba ay khuseyso dhacdadan aan horey loo arkin ayaa dhamaantood ka gaabsaday inay ka hadlaan wararka.

Abe, oo ahaa ra'iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee waddanka Japan, ayaa la dilay isagoo u ololeynayay xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP) 8-dii Luulyo.

Laakin aaska qaranku waa naadir dalka Japan, go’aanka ayaa ahaa mid muran badan dhaliyay. Codbixintii ugu dambeysay ayaa muujineysa in ka badan kala bar shacabka ay kasoo horjeedaan dhacdada.

Marka loo eego qiyaasteedii ugu dambeysay, dowladdu waxay rajeyneysaa inay ku bixiso 1.65 bilyan yen ($ 11.5m) munaasabadda Tokyo ee Budokan, oo ah goob weyn oo lagu qabto riwaayadaha iyo dhacdooyinka isboortiga.

Hogaamiyayaasha caalamka oo ay ku jirto madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris iyo ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ka mid ah madaxda la filayo inay ka qeyb galaan. Abe caan baxay kadib markii uu is casilay sababo caafimaad 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM