Go'aan laga gaarey jiritaanka iyo masiirka ciidamadda Liyuu Boolis
JIGJIGA, Somali State - Golaha Wasiirada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qorshe ay soo rogtey xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.
Qorshahan ayaa, sidda ay ku warantey warbaahinta Edina, waxa uu ku saabsan yahay "dib-u-habeynta ciidamada gaarka ah ee deegaanka iyo dhafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe Itoobiya".
Wasiiradda madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa isku-raacay in madaxda iyo askarta ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida oo loo yaqaanno Liyuu Boolis “lagu daro qaab-dhismeedyo laamaha amniga ah.
Sidda ku xusan fahfaahinta go'aankan, askarta ayaa waxaa la siinayaa fursad ay ku kala dooran karaan cutubyada ay ku biirayaan sidda milatariga, iyo booliiska federaalka ama gobolka.
Ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo garan-og-yahay Liyuu Boolis ayaa la aas aasay sanadkii 2008-dii, waxaana si weyn loola xiriirayaa in ay gobolka ka geysteen gabood-falo kala duwan.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustefa Omer, ayaa noqday mas'uulkii ugu horreeyay ee heer sare ah oo ka tirsan dowladda oo si cad u sabeeya suurtagalnimada in la kala diro ciidamada gaarka ah ee gobolka.
"Anaga oo garwaaqsan in arrintu aysan ahayn hub ka dhigis, balse ay tahay in la helo tababaro iyo hub dheeri ah, lana galo qaab dhismeedyo ay dalka si wanaagsan ugu adeegi karaan, ayaa golaha wasiirrada dowlad gobolleedka oo dood ballaaran ka yeeshay fadhigii maanta, waxay si wadajir ah u taageereen go’aankaas," ayay Somali Fast kasoo xigatay.
Go’aankan lagu kala dirayo ciidamadda Liyuu Boolis ayaa kusoo hagaagaya xilli qaar kamid ah gobolada Itoobiya ay ka socdaan banaanbaxyo looga soo horjeedo qorshaha xukuumadda Abiy Axmed ayna meelaha ka dhaceen rabshado.
GAROWE ONLINE