Itoobiya iyo Somaliland oo ku dhow fulinta heshiis-ku-sheega muranka dhaliyey
HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa ku dhow inay dhameystiraan heshiiskii muranka dhaliyay ee ay kala saxiixdeen January 2024-ka.
Mas'uuliyiinta labada dhinac waxa ay sheegeen in ay iska caabin kala kulmeen xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaasoo su'aal ka keenay sharcinimada heshiiska.
Balse mas’uuliyiinta labada dhinac kala matalaya ayaa ku adkeysanaya in heshiiskan uu si dhaqso ah u dhaqan geli doono, iyadoo heshiiskan Itoobiya ay ku dooneyso in ay saldhig ciidan oo badda ah ka sameysato badda cas, gudaha Soomaaliya.
Itoobiya ayaa sidoo kale bilaabi doonta dhismaha dekedda iyadoo kireysatay dhulkaas muddo 50 sano ah.
Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbannaan, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee gobolka Ciisa Kayd uu ku adkaystay in geeddi-socodku uu meel sare marayo.
Wadahadalladan ayaa daba socda heshiis is afgarad ah oo afar bilood ka hor ay wada saxiixdeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Heshiiskaas ayay Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna markaas raadinaysay taageero caalami ah si ay uga hortagto gardarrada Itoobiya.
Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay Itoobiya inay isku dayeyso inay wiiqdo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Kooxda Todobada ah ee G7 ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waxayna dhiiri galiyeen wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xaliyo xiisadaha taagan.
GAROWE ONLINE