Labo qodob oo lagu saleynayo deymaha Soomaaliya qaadaneyso

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa bishii December, 2022 wuxuu muujiyey in maamulkiisa qaadan karo "boqolaal bilyan qaan cusub ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Deymaha ay mustaqbalka qaadaneyso Soomaaliya ayaa waxaa jaan-goynaya laba qodob, sidda ku xusan war-murtiyeedkii kasoo baxay shir-madaxeedka magaalada Baydhabo.

Labadaas qodob ayaa, sidda ku cad bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, waxay kala yihiin in qaanta tahay mid u adeegaysa horumarinta dhaqaalaha iyo in ay noqon culeys horleh.

Dhawaqan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ku dhowaad shantii sano ee lasoo dhaafay ay xukuumadda Muqdisho olole ugu jirtey sidii looga dhaafi lahaa in ka badan $5 bilyan oo deyn ah.

Go'aanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu kusoo beegmayaa xilli Dec 6, 2022 uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka shaaciyey in maamulkiisa uu qaadan doono boqolaal bilyan deyn ah.

"Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Qoraalka oo si rasmi ah loo faafiyey fiidnimadii Jimcadda shalay ahayd ayaa waxaa lagu caddeyn haddii la qorsheynayo in dalka uu qaato deymo cusub iyo in kale.

Bangiga Aduunka iyo Hay'adda Lacagta Caalamka ayaa kamid ah meelaha lacagaha deymaha ah laga qaato. Si lamid ah, wadamo ayaa bixiya tusaale ahaan Jamhuuriyadda Shiinaha.

Xasan Sheekh oo dib loo doortey 15-kii May, 2022 ayaa carabka ku dhuftey in deymahaas ay noqon doonan kuwa dib loogu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha laguna maalgelinayo degaanada laga saarey Al-Shabaab.

"Shan bilyan oo deyn ah ayaan la tacaalaynaa muddo sanado ah. Boqolaal bilyan oo deyn cusub ah ayaan qaadan doonaa ileen dalka in aan dhisno ayaan u baahanahay," ayuu ku yiri khudbad uu kula hadlay dadweynaha.

Xukuumadda ayaa sheegtay in llaa haatan Al-Shabaab laga saarey ku dhowaad 60 degaan iyo tuulooyin wallow uu dhowrkii bilood lasoo dhaafay uu hakad galay gulufka ay iska kaashanayeen ciidamadda iyo dadka degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM