Macalinka Soomaaliya ee "halista wajahaya" oo maalintiisa la xusey

Image
Macalimiinta iyo goobaha waxbarashadaba waxay bartilmaameed weyn u yihiin maleyshiyaadka Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta si weyn Soomaaliya looga xusey maalinta macalinka Soomaaliyeed, taas oo xaflad weyn oo heer qaran ah uu ka qeybgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Haseyeeshee waxa ay macalimiinta iyo goobaha waxbarashadaba bartilmaameed weyn u yihiin maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Dhowaan markii uu dhacay qaraxii Soobe ee lala eegtay wasaaradda waxbarashada, ayuu Mahad Karatay oo madaxda argagixisada Al-Shabaab ka tirsan sheegay in weerarka uusan ahayn mid iska dhacay balse ahaa mid lala heley bartilmaameedkii loo socday oo ahaa wasaaradda waxbarashada.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa wasaaradda ku eedeeyay in ay qoreysay dhalinyaro loo tababarayo ciidanimo. Balse, wasiir Faarax Cabdiqaadir ayaa beeniyey warkaas.

Seddex goor ayay dagaalameyaasha Al-Shabaab weeraro abaabulan ku qaadeen wasaaradda waxbarashada iyo weeraro kale oo lagu qaaday dano waxbarasho.

Markii koowaad waxa ay ahayd 3-dii bishii Diseembar 2009-kii, halkaas oo arday caafimaad oo Hoteel Shaamow ku qalin jabinaya qarax ismiidaamin ah lala eegtay, waxaana lagu diley 26 qof oo uu ku jirey wasiirkii waxbarashada Prof Ibraahim Caddoow.

4-tii Oktoobar 2011-kii ayaa sidoo kale nin ismiidaamiyay uu isku qarxiyay dhismaha Hargaha iyo Saamaha oo ay daganayd wasaaradda waxbarashada, halkaasna ay ka socotay hawl arday lagu siinayay deeq waxbarasho.

Wax ka badan boqol arday ayaa ku dhimatay meeshii. Sanadkii 2015 ayaa sidoo kale weerar lagu qaaday dhismaha wasaaradda waxbarashada.

Intaasi ka sokoow marar badan ayay Al-Shabaab u digeen macalimiinta, ardayda iyo dadka ka shaqeeya arrimaha waxbarashada. Markasta macalimiinta waxa ay ku shaqaynayeen duruufo adag oo amni iyo kuwa kale oo mushaar yaraan ugu weyntahay oo isbiirsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM