Puntland in lagu been abuurto ma mudna!

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo weli ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa mar si caadifad qabaliyadeedi ku jirto uu ula hadlayey qaar kamid ah waxgaradka Bay iyo Bakool, wuxuu eedayn waxba kama jiraan ah dusha uga tuuray dadka iyo dowladda Puntland.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dadka gobolladaas kasoo jeeda ee ku sugan deegaanada Puntland si joogto ah loo dhibaateeyo. Kaba sii darane, wuxuu intaas raaciyey in maalmo kahor kuwo badan gaari shabaqle ah lagu raafay qaar kalena Galmudug dhankeeda u carareen.

Waa hubaal in Jawaari uu hadalkaas si lama filaan ah u yiri isagoo ujeedkiisu ahaa inuu qaab qabyaaladaysan u kiciyo bulshada uu ka dhashay ee uu Dowladda Federaalka u metelo, waxaase isweydiin mudan mas'uul qaran oo haya mid kamid ah jagooyinka ugu sarreeya dalka ma qabataa inuu sidaas u hadlo?!

Dabcan jawaabtu maya weeye, Puntland-na ma mudna in loo gafo. Been abuurka intaas le'eg oo horseedi kara in bulshooyin walaalo ahaa ay kala didaan, waxaa mas'uuliyaddiisa qaadaya Jawaari oo looga fadhiyo in arrintaas uu raalli gelin deg deg ah ka bixiyo.

Daawo muuqaalkan oo Jawaari laga duubay isagoo sida muuqata aan ka warqabin in la duubayo codkiisa. Halkaan ka daawo

Ma dhab baa in ganacsatada Bay iyo Bakool Puntland lagu dhibo?

Puntland oo kamid ah meelaha ugu xasilloon dalka uguna dhaqaalaha iyo ganacsiga fiican, waxaa ka shaqeysta kumannaan ganacsato ah oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Dadkaas si joogto ah ayuu ganacsigoodu horumar u sameeyaa sanadba sanadka ka dambeeya, waxayna suuqyo aad u camiran ku leeyihiin dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaan Bosaso, Garowe, Galkacayo iyo Qardho.

Nabadgelyo, qadarin iyo xornimaba way ku haystaan Puntland sida ay ka marag kaceen qaar badan oo kamid ah oo todobaadkii hore Garowe Online u waramay.

" shalay baalashle ayaan ahaa, maantana waxan haystaa ganacsi aan maalintii afartan doolar ugu yaraan ka faa'iido...nabad iyo barwaaqo ayaan Puntland ku haystaa iimana qorsheysna inaan ka tago..." Cabdulaahi Isaaq oo kamid ah ganacsatadaas ayaa Garowe Online u sheegay.

Muuqalkan hoose oo todobaad kahor aan ka diyaarinay ganacsiga ay dadkaasi magaalada Garowe ku haystaan, wuxuu cadeynayaa in eedaynta Mudane Jawaari ay waxba kama jiraan tahay sida ay iyaguba afkooda ka qirayaan. https://www.youtube.com/watch?v=SdXm56C5xLI

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM