Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka UK oo wajahaya baaritaan culus

Image
Dominic Raab ayaa war-saxaafadeed uu soo saarey ku ogolaadey baaris lagu sameeyo cabashooyinkan.

LONDON, United Kingdom - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dominic Raab ayaa daaha ka qaaday in laba cabasho oo rasmi ah laga sameeyay hab-dhaqankiisa intii uu xilka wasiirnimo ee hore u hayay.

Ra'iisul Wasaare Rishi Sunak ayaa ku raacay codsi ka yimid ku xigeenkiisa iyo xoghayaha cadaalada ee ahaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo cabashooyinka.

Mr Raab ayaa la kulmay eedeymo isdaba joog ah oo wargeysyada ka soo baxay oo ah inuu u caga jugleeyay mas’uuliyiin xilal hore u hayay, taasoo uu beeniyay.

Sidda ay qortey warbaahinta BBC-da, Mr Raab ayaa waxa uu intaa ku daray in uu si buuxda ula shaqayn doono cid kasta oo wax ka waydiisa hab-dhaqankiisa.

Warqad uu u diray Mr Sunak, ayuu Mr Raab ku sheegay in cabashooyinka la xiriira waqtigii uu ahaa xoghayaha cadaaladda iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee ra'iisul wasaarihii hore ee Boris Johnson.

War-saxaafadeedkiisa ayuu hoosta kaga xariiqay uu intaa ku daray in aanu "waligiis u dulqaadan cagajuglaynta" oo uu "mar walba doonayay in uu xoojiyo " shaqaalaha rayidka ah.

Eedeymaha cagajuglaynta ayaa xasaasi ka ah siyaasadda waddanka Ingiriiska. Dhowr wasiir ayaa shaqadooda ku waayay eedeymo noocaan ah sanadihii lasoo dhaafay iyo waliba bilooyinkii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM