Rashid Yahya: Waa kuma safiirka Uganda u dirto dalalka Carabta?

Image
Image
Ssemaddu ayaa si lamid ah wuxuu waddankiisa u qaabilsanaa wadamo ay kamid yihiin Qatar, Cumaan iyo Kuwait.

KAMPALA, Uganda - Dr Rashid Yahya Ssemuddu oo ah 50 jir u dhashay Uganda horeyna dalkiisa ugu soo noqday safiirka u jooga Sucuudiga iyo Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC.

Ssemaddu ayaa si lamid ah wuxuu waddankiisa u qaabilsanaa wadamo ay kamid yihiin Qatar, Cumaan iyo Kuwait kuwaasoo xiriirkooda uu aad u xumaa sanadihii lasoo dhaafay.

Diblumaasiga ayaa dugsiga sare uga baxay dalka Sucuudiga halkaas oo uu BA, MA iyo PHD ku sameeyay isaga oo fiqhiga Islaamka shahaadada PHD ka qaatay jaamacada Islaamiga ah ee magaalada barakaysan ee Madina.

Hadda, wuxuu safiirka uga yahay dalkiisa wadanka Sudan wuxuuna kasoo jeedaa qoys diinta caan ku ah isaga oo yaraantiisi xooga saaray barashada luuqada carabiga iyo cilmiga shareecada.

Dalalka carabta ayaa inta badan ah kuwo dhaqaale ahaan ay taageero ka raadsadaan wadamada soo koraya iyada oo ay ku tartamaan sidii loogu kalo dheerayn lahaa xiriirkooda.

Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyaa in safiirada wadamada loo diro aan lagu xulan aqoon iyada oo aan la aqoon sida ay isu leeyihiin khibrada duplamaasiga iyo wadanka loo dirayo.

Muwaadiniinta ku nool wadamadda ay safiiradda Soomaaliya ka howlgalaan ayaa soo gudbiya cabashooyin ay kamid tahay in aysan si hufan ku helin adeegga iyo matalaad xumo xilliyada adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM